Xiisad Cusub: Trump iyo Daalibaan oo isku haya Saldhigga Bagram
Kabul (Puntland Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin culus u diray maamulka Daaliban ee ka arrimiya Afgaanistaan, isagoo ku hanjabay in haddii aysan si degdeg ah ugu wareejin saldhigga cirka ee Bagraam, ay “la kulmi doonaan cawaaqib xun oo aan hore loo arag.”
Wasiirka difaaca maamulka Daalibaan, Maxamed Yaqoob Mujahid oo ka jawaabayey hanjabaada Trump, ayaa ku gacan seeray dalabka Washington, isagoo caddeeyay inaysan jirin fursad ay Maraykanku dib ugu hanan karaan saldhigyo militari oo ku yaalla gudaha Afgaanistaan.
“Trump iyo cid kasta oo isku dayda inay saldhig naga qaadato waxaan leenahay hal jawaab: dagaal kale oo 20 sano ah ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Mujahid.
Saldhigga Bagraam oo ku yaalla bartamaha Afgaanistaan, kuna dhow dalalka awoodda leh ee Shiinaha, Ruushka, Iiraan iyo Pakistan, ayaa muddo dheer u ahaa Mareykanka xarun istiraatiiji ah oo uu ka qaadi jirey howlgallo milatari.
Trump, oo dhawaan kusugnaa magaalada London ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu dib ugu doonayo Bagraam ay tahay in saldhiggu aad ugu dhow yahay xarumaha hubka nuclear-ka ee Shiinaha.
“Bagraam waa muhiim, sababtoo ah wuxuu ku dhow yahay halka Shiinuhu ku sameeyo hubkiisa nukliyeerka. Waxaan u baahanahay inaan ka sarreyno, oo aan ilaalino danaha Mareykanka,” ayuu yiri Trump.
Madaxwayne Trump ayaa horey ugu baaqay Daaliban iney Mareykanka dib ugu soo celiyaan qalab ciidan oo qiimihiisu gaarayo $7 bilyan oo dollar, oo ay ciidamada Mareykanku kaga carareen markii ay ka baxayeen Kabul. Taliban ayaase ku jawaabtay: “Haddii aad awoodo, kaalay oo qaado.”
Xiisadda ka dhalatay saldhigga Bagraam ayaa mar kale iftiiminaysa muhiimada istiraatiijiyadeed ee Afgaanistaan, iyadoo saldhigga Bargram uu yahay furaha awoodda istiraatiijiga ah ee gobolka, xilli Mareykanka iyo Shiinuhu ay ku jiraan tartan awoodeed oo sii xoogeysanaya.