Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Isimada Beelaha Cali Saleebaan ay ku yeesheen Degmada Carmo, ee Gobolka Bari?
21-ka November 2024, magaalada Carmo ee gobolka Bari waxaa kulan ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wax garadka beelaha Cali Saleebaan oo uu hoggaaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil. Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray la-dagaallanka argagixisada iyo dagaalka dowladda Puntland ay qorsheynayso inay dhawaan ku qaaddo kooxda Daacish (ISIS) ee ku sugan buuraha Cal Miskaad ee Gobolka Bari.
Inta badan wax garadka Beelaha Cali Saleeban ayaa Dawlada ku dhaliilay inuusan dagaalku ka dhab ahayn, balse ay doonayso inay beelaha Cali Saleebaan dagaal geliso kaas oo sababi doono in haldoorka beesha iyo wax garadkaba si gaara loo ugaarsado.
Waxgaradku waxay Madaxda Dawladda xasuusiyeen inay si xoogleh uga qayb qaateen dagaalkii 2016 ka dhacay deegaanka oo hub iyo ciidanba ku taageereen balse dawladdu ay gulufkaas xagal daacisay, ka dib markii ay amartay in dagaalka la joojiyo xilli uu cadawgu tabar darnaa. Intaas ka dib kooxda daacish waxay dil toos ah ku khaarijisay wax garad qiimo badan ku dhex lahaa bulshada Puntland.
Wax garadka reer Carmo waxay Madaxwaynaha ka codsadeen inuu Saanadda iyo dhaqaalahaba ku soo wareejiyo si ay iyagu u hogaamiyaan dirirta natiijo la taaban karona ka keenidoonaan.
Beeldaajah iyo odayaasha qaar oo la tuhun san yahay inay xiriir gaara la leeyihiin kooxda daacish ayaa iyagoo isku dayaya inay is barraxaan waxay sheegeen inay dawladda ku garab siinayaan gulufka colaadeed ee ay waddo.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan ka dib markii inta badan waxgaradka deegaanku muujiyeen wel welka ah in dawladu ay san sii wadi doonin dagaalka ay qorshaynayso.