Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo bilaabay tirinta codadka doorashadii gobolka Banaadir
Muqdisho – Puntland Online Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u guda galay tirinta codadka Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kaddib markii ay si nabad ah u soo dhammaatay codbixintii ay maanta ka qeyb galeen shacabka ku nool caasimadda.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in codbixintu ay u dhacday si habsami leh, isla markaana ay bilaabatay 6:00 subaxnimo, laguna soo xiray 6:00 fiidnimo, iyadoo aan la diiwaan gelin wax dhacdooyin amni oo waaweyn.
Guddoomiyaha ayaa xusay in tirinta codadka hadda lagu guda jiro, balse aan weli la shaacin natiijo rasmi ah, maadaama ay socoto hubinta iyo kala saarista codadka si waafaqsan habraacyada sharciga.
Waxa uu intaa ku daray in hanaanka tirintu uu yahay mid hufan oo daah-furan, isla markaana ay goob joog ka yihiin wakiillo ka socda ururrada siyaasadda, hay’adaha bulshada rayidka ah iyo xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo kormeeraya hab-socodka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ballanqaaday in natiijooyinka rasmiga ah lagu dhawaaqi doono marka la soo gabagabeeyo tirinta iyo xaqiijinta codadka, islamarkaana si joogto ah warbixinno loola wadaagi doono dadweynaha.

