Somaliland oo qiratey Kaalmeynta Argagixisada joogta Puntland
Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland, Mustafe Cabdi Bacaluul, ayaa shaaca ka qaaday in maalin kasta ilaa 200 qof ay ka bixi jireen magaalada Berbera, kuwaas oo aadi jiray buuraleyda Galgala iyo Bosaso ee Puntland. Hadalkan, oo uu ka jeediyay munaasabaddii xil-wareejintiisa, wuxuu caddeeyay in Somaliland si buuxda uga warqabtay dhaqdhaqaaqyadaas, balse aysan tallaabo muuqata ka qaadin. Tani waxay xaqiijinaysaa warar hore oo kasoo baxay Puntland, kuwaas oo sheegay in argagixisada ay buuraleyda gobolka Bari kasoo galaan dhinaca Somaliland.
Sanadkii 2023, Sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in magaalada Berbera laga dejiyey agab muhiim ah oo ay isticmaalayeen kooxaha argagixisada ah. Inkastoo qaar ka tirsan xubnahii ku luglahaa la qabtay, hadana waxaa la xaqiijiyay in dib laga sii daayay, taasoo abuurtey oo kor u qaadey tuhunka doorka taageerada Somaliland ee argagixisada.
11-kii Oktoobar 2024, ciidamada PSF ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay Mubaarak Naasir Siciid, oo ah nin Tanzanian ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish. Wuxuu sheegay in safar dheer uu ku soo maray Kenya, Itoobiya, iyo Hargeysa ka dibna uu gaaray buuraleyda Galgala Puntland. Siciid ayaa sidoo kale sheegay inuu halkaas kula kulmay ajaanib ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Tanzania, Morocco, Suuriya, iyo Yemen, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay in kabadan 400 dagaalyahan.
Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale qabtay dhagar-qabe ka tirsan ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Mowliid Maxamed Jeerow, kaas oo sheegay in uu kasoo galay Puntland dhinaca Somaliland. Tani waxay muujinaysey in xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay tahay marin muhiim ah oo argagixisadu kaso soo gasho Puntland, iyadoo aan si buuxda looga hortagin.
31-kii Diseembar 2024, kooxda Daacish ayaa weerar culus ka fulisay deegaanka Dharjaale ee degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Puntland ay ku lahaaheen saldhiga ugu wayn ee ay ka abaabulayeen howlgalka ka dhanka ah argagixisada. Wararku waxay xaqiijiyeen in dhammaan 12-ka dagaalyahan ee weerarkaas fuliyay ay ahaayeen ajaanib, oo ay ku jireen afar Tanzanian ah. Weerarkan wuxuu muujiyey khatarta sii kordheysa ee argagixisada gaar ahaan ajaanibta ka hawlgasha Puntland iyo gobollada kale ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay si toos ah u maalgeliso argagixisada. Wuxuu sheegay in xiligii uu ahaa madaxwaynaha Puntland ay heleen caddeymo sax ah oo muujinayey taageerada Somaliland ee argagixisada, oo ay ku jirto maalgelin dhaqaale, daaweynta dhaawacyadooda, iyo fududeynta marinada ay uga soo gudbaan Puntland.
Dhinaca kale warbixin hore oo kasoo baxday laamaha sirdoonka Puntland ayaa tilmaantay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaanka Sugurre, lagu daweeyay isbitaalka Manhal ee ku yaal magaalada Ceerigaabo sanadkii 2017. Tani waxay sii xoojisay eedeymaha laxiriira taageerada Somaliland ay siiso kooxaha argagixisada.
Gababadii, Xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisadu si fudud ku soo maraan, iyagoo aan wax caqabad ah aan kala kulmin maamulka Somaliland