Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Daacish
Boosaaso – Ciidamada difaaca Puntland oo toddobaadyadii la soo dhaafay wadey howlgallo isdaba joog ah oo si gaar ah loogu beegsanayey haraadiga kooxda argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa gaarey guulo waawayn, sida ay xaqiijisay Dawladda Puntland.
Warbixin rasmi ah oo ka soo baxday Dawladda ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Daacish, isla markaana ay la wareegeen deegaano istiraatiiji ah oo kooxdu muddo dheer fariisimo ku laheyd. Intii uu socday gulufka milatari, ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay dhul muhiim ah oo ka tirsan buuraleyda Cal Miskaad, oo aheyd xarunta ugu weyn ee ay Daacish ka joogtey gudaha Soomaaliya.
Howlgallada oo weli socda ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday deegaanada buuraleyda iyo togagga gobolka Bari, halkaas oo Daacish ay ku lahayd saldhigyo.
Taliyeyaasha ciidamada ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan oo laga fuliyey Ceelasha Burti-Cise iyo Afka Dharimood uu kusoo dhammaaday guul ballaaran, iyada oo lagu dilay ku dhowaad 15 xubnood oo ka tirsan kooxda. Sidoo kale, cutubyo kale oo milatari ayaa howlgallo ka sameeyay Ceelasha Ilaalo Yar iyo Ilaalo Weyn, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahano kale.
Sawirro muujinaya khasaaraha Daacish ayaa lagu faafiyey barta rasmiga ah ee Telegram-ka ciidamada Puntland, kuwaas oo soo bandhigay maydadka xubno ka tirsanaa kooxda iyo hub ay wateen.
Dawladda Puntland ayaa sheegtey in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaal lagu doonayo in gebi ahaanba laga sifeeyo kooxda Daacish deegaannada ay ka hawlgalaan ee gudaha Puntland, iyada oo la ballanqaaday in dagaalkaasi uu socon doono illaa kooxda laga tirtiro guud ahaan gobollada Puntland.