Mareykanka oo sheegay ineysan burburin xarumihii Nukliyeerka Iiraan
Warbixin rasmi ah oo ay soo saartey Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee (Pentagon) ayaa si cad loogu sheegay in duqeymihii dhawaan Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iraan ee kala ah Fordow, Natanz, iyo Isfahan aysan burburin gebi ahaanba barnaamijka nukliyeerka Tehran, balse ay hakiyeen horumarkiisa ugu yaraan laba sano.
Warbixinta oo ay ku saleyeen qiimeyn iyo xogo sirdoon ayey ku shegeen in weerarradu ay dhaawac kooban gaarsiiyeen xarumaha Nukliyeerka, laakiin aysan burburin gabi ahaanba, taaso ka dhigan in Iiraan ay sii wadeyso hormarinta barnaamijkeeda iyo bacriminta uraniumka. Sida ay sheegtay Pentagon, Tehraan weli waxay leedahay awood ay dib ugu dhisi karto kaabayaasha barnaamijkeeda.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ay soo saartey Pentagon ayaa meesha ka saareysa sheegashadii Trump ee aheyd in si dhameystiran loo burburiyey barnaaminkii Nukliyeerka Iiraan.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo dhawaan ka hadlay weerarradii uu amrey ee lagu qaadey xarumaha Nukliyeerka Iraan ayaa ku tilmaamay “guul aan horay loo arag” iyo burbur dhameystiran oo Mareykanku uu u geystey xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan, isagoo xitaa ku hanjabay in haddii Iiraan ay mar kale ku laabato horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka, uu mar kale weerari doono.
Dhowaan, warbixino ay daabaceen warbaahinta caalamiga ah sida Reuters, Associated Press, CNN, The Washinton Post iyo The New York Times ayaa lagu sheegay wax ka duwan hadallada Trump. Waxaa lagu sheegay warbixinada in weerarka Mareykanku ku qaadey xarumaha Iiraan uu ahaa mid xaddidan oo aan sababin burbur dhameystiran, islamarkaana Iiraan ay wali leedahay awood ay ku sii waddo horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka bilooyin gudahood.
Sida ay qabaan khubarada amaanka weerarka lagu qaadey Iiraan wuxuu ahaa tallaabo istiraatiiji ah oo qayb ka ah cadaadiska siyaasadeed ,balse aan ujeedadiisu aheyn in si buuxda loo burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iiraan