Wararkii Ugu Dambeeyey ee Howlgalka Hilaac: Qarax Lala eegtey Ciidamada Puntland

Share this Post

(Puntland Online) Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda argagixisada Daacish ay qarax miino la beegsatay gaari ay wateen ciidamada Daraawiishta Puntland, ee howlgalka ka wada Buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari,xilli ay marayeen meel aan ka fogeyn degaanka Tuurmasale, iyagoo kusii jeeday degmada Ballidhidin.

Qaraxa ayaa sababay khasaare kala duwan, iyadoo la xaqiijiyey dhimashada saddex askari, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidanka. Maamulka Puntland iyo saraakiisha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan, balse ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdada.

Dagaalkii Buuraleyda Calmiskaad iyo Khasaarihii ka dhashey.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka howlgalka Hilaac, Gaashaanle Sare Faadhigo, Sarreeya Guuto Cabdiweli Jaamac Ilig, Taliye ku xigeenkii Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa ka mid noqday saraakiishii ku dhaawacantay dagaalkii dhawaan ka dhacay buuraleyda Calmiskaad. Dagaalkaasi, oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo argagixisada Daacish (ISIS), ayaa sababay dhimashada 27 askari oo ay ku jiraan 5 sarkaal, halka 67 askari ay ku dhaawacmeen.

Faadhigo ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 115 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish.

Guulaha Howlgalka Hilaac

Howlgalka milatari ee Hilaac ee ay ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa galay wajigiisi labaad, muddo laba bilood ka badan oo uu dagaalku socdo ciidanku waxay gaareen guulo waaweyn iyagoo argagixisada ka sifeeyey dhul balaaran oo ay horey ugu sugnaayeen. Gulufkaan ay Puntland ku qaadey Daacish ayaa banaanka soo dhigey sida ay kooxdaan halis ugu tahay amniga, xasiloonida, iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed, kadib markii la xaqiijiyey in dagaalyahanada Daacish 90% ay yihiin ajaaniib ka kala yimid wadamada dunida.

Dawlada Fedraalka oo tageertey Howlgalka Hilaac

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Somalia, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Faryaag), ayaa maanta sheegay in Puntland oo ku tilmaamey dhulka ugu “quruxda badan Soomaaliya” uu wajahayo dulaan ay kusoo qadeen dagaalyahanno ka soo jeeda dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Wasiirku wuxuu caddeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay taageerada ciidamada Puntland, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Xamse, iyo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe ay bogaadiyeen howlgalka ciidamada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada Daacish.

Dhanka kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la dhisayo guddi gaar ah oo fududeynaya adeegyada la xiriira socdaalka, gaar ahaan kuwa ay u baahan yihiin ciidamada ku dhaawacma howlgalka, si loo hubiyo in ay helaan daryeel degdeg ah.

Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada si cad ugu muujiyey taageerada uu u hayo ciidamada Puntland, isagoo bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey in dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad uusan ahayn mid dhex yaalla dad Soomaaliyeed, balse uu yahay mid lagula dagaallamayo kooxo cadaw ah oo aan kala jeclayn umada Soomaaliyeed halisna ku ah jiritaankooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa isaguna cadeeyay in maamulka Galmudug uu si buuxda u garab taagan yahay ciidamada Puntland, isaga oo ku baaqay in la adkeeyo iskaashiga dowlad-goboleedyada si looga hortago khataraha argagixisada.


Share this Post