Dowladda Yemen ayaa kabaxdey heshiiskii difaac ee Imaaraadka, Iyadoo dalbatay in muddo 24 saac ciidamadeeda ugala baxdo dalka
Dowladda Yemen ayaa si rasmi ah uga baxday heshiiskii difaac ee kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta, iyadoo u qabatay muddo 24 saac ah in dhammaan ciidamada dalkaasi ay kaga baxaan dhulka Yemen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hoggaanka Yemen.
Go’aankan ayaa yimid saacado yar kaddib markii Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya uu duqeeyay markab lagu sheegay inuu siday hub, kaas oo la sheegay inuu ka yimid Imaaraadka Carabta, kuna sii jeeday xeebaha Yemen.
Tallaabooyinkan is-daba-joogga ah ayaa si cad u muujinaya khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo muddo dheer ku wada jiray Isbahaysiga Carabta ee Yemen.
Khilaafkan cusub ayaa lagu tilmaamayaa mid ka tarjumaya loollan ballaaran oo saameyn ku leh gobolka Bariga Dhexe ilaa Bariga Afrika, halkaas oo labada dal ay ku tartamayaan saameyn istiraatiiji ah, dekedo, iyo marinno ganacsi oo muhiim ah.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in is-mariwaaga cusub uu saameyn dheeraad ah ku yeesho dagaalka Yemen iyo xasilloonida guud ee gobolka.

