Mareykanka oo Duqeymo Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad
Diyaaradaha dagaalka dawlada Mareykanka ayaa maanta duqeymo ka fuliyay aagga ceelka Miraale ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumanayeen kooxo hubeysan oo ka tirsan firxadka argagixisada Daacish.
Saraakiil ku sugan furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay maqleen jug culus iyo qaraxyo is xigxigay oo laga maqlay ceelka Miraale. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku sugnaa.
Dadka ku nool degaannada ku dhow togga Miraale ayaa sheegay in ay arkeen qiiq cirka isku shareeray, sidoo kale ay maqleen dhawaaqa madaafiic xooggan. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse sida la aaminsan yahay duqeynta ayaa lagu bartilmaameedsadey goobo muhiim ah oo ay laheyd Daacish.
Weeraradan ayaa qeyb ka ah howlgalka Hilaac ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ee ku harey buuraleyda Calmiskaad.