Yaa Noqon Doona Hoggaamiyaha Bariga Dhexe, Turkiga Mise Iiraan?

Share this Post

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa wajahaysa isbeddel aan horay loo arag, iyadoo awooddii Iiraan ee gobolka ay si wayn hoos ugu dhacdey. Kooxdii Hezbollah waxey gashey go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Suuriya, oo ahayd halbowlaha iyo isha ay Hezbullah usoo maraan hubka iyo nooc walba oo saad ah, ayaa kasoo xirantey tan iyo markii dowladdii Bashar Al-Assad ay meesha ka baxday.

Turkiga wuxuu qaaday tallaabooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo si toos ah u wiiqaya awoodda Iiraan. Turkigu wuxuu dhawaan kansalay canshuur-dhaafkii uu sameyn jirey shidaalka ay Iiraan u soo dhoofiso gudaha dalkaasi Turkiga, taasoo dhaawac weyn ku noqotay dhaqaalaha Tehran.

Dhanka kale, Turkiga ayaa dib usoo celiyay xiriirkii uu la lahaa Sacuudiga, taas oo horseeday in Sacuudigu uu Balaayiin dollar ku shubo Bangiyada dalka Turkiga, midaas waxey ka caawisay Ankara iney kasoo kabato dhaqaale xumadii ay waayaadan wajaheysay.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa bilaabay maalgelin ballaaran oo uu dib ugu dhisayo dalka Suuriya. Tallaabadani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu yareynayo saameynta Iiraan ee gobolka, iyadoo xukuumada Riyadh ay qorsheyneyso inay maalgashato kaabayaasha horumarinta adeegyada bulshada ee Suuriya, si ay u hanato kalsoonida bulshada Suuriyaanka ah.

Iiraan waxay ku dadaaleysaa inay dib usoo ceshato kaalintii ay ku lahayd gobolka, iyada oo weli ku riyoonaysa inay dib usoo nooleyso saameyntii boqortooyadii reer Faaris (Persian Empire) oo mar aheyd awooda bariga dhexe.

Halkaas waxaa ka hor taagan Iiraan, Turkiga oo isna raba inuu dib usoo celiyo saameyntii Cusmaaniyiinta. Labada dal ayaa hadda ku tartamaya hoggaanka Bariga Dhexe, iyadoo mid walba uu doonayo inuu xukumo mustaqbalka iyo aayaha gobolka.

Su’aasha Taagan

Ma noqon doonaa Turkiga hoggaamiyaha cusub ee Bariga Dhexe? Mise Iiraan ayaa heli doonta fursad ay ku soo ceshato saameyntii ay ku lahayd gobolka? Xilligaan, cidda ku guuleysata tartankan ayaa go’aamin doonta mustaqbalka siyaasadeed iyo awoodda Bariga Dhexe.


Share this Post