Muxuu yahay Xiriirka Qarsoodiga ah ee Saciid Deni iyo Laahoor?
Boosaaso, Puntland – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro xiriir qarsoodi ah oo ka dhaxeeya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo eedeysane Abdirahman Shirwac Aw-Siciid (Laahoor) oo ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa dilal qorshaysan oo ka dhacay Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Ilo-wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Abdullahi Deni uu ka hor istaagay saraakiisha ammaanka iyo laamaha dambi-baarista inay su’aalo weydiiyaan Laahoor, oo horey sanadki 2022 ay maxkamada dembiyada culus ee Puntland ugu xukuntey diltoogasho isaga oo maqane ah.
Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) ayaa 3 febraayo 2025 isku soo dhiibay ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan degmada Qandala, ee gobolka Bari kadib markii ururka uu katirsanaa ee Daacish ay khasaare wayn kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada difaaca Puntland.
Bishii Juun 2022, maxkamadda dambiyada culus ee Puntland ayaa ku xukuntay dil toogasho, isagoo maqane ah, kadib markii lagu helay inuu qeyb ka ahaa dilal qorsheysan oo argagixisada Daacish ka fulisey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsaday masuuliyiin badan oo reer Puntland ah oo kamid yihiin.
Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis, oo lagu diley magaalada Bosaaso.
Suldaan Baashiir Muuse Koonte, oo si arxan-darro ah loogu toogtay masaajid uu ku tukanayey salaad jimce.
Maxay Tahay Sababta ka danbeysa xorriyadda Laahoor?
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Puntland Online ayaa tilmaamaya in Laahoor uu si xorriyad leh ugu nool yahay magaalada Boosaaso,kadib markii loo diidey laamaha amaanku iney su,aalo waydiiyaan eedeysanaha. Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in habeenkii uu si joogto ah Madaxweynaha ula lugeeyo xeebta xerada ciidamada PMPF, taas oo abuurtey tuhun wayn oo kusaabsan xiriirka Madaxwayne Deni iyo Lahoor.
Ilaa iyo hadda, dowladda Puntland kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyey iyo waxa sababay in aan la horgeyn cadaaladda eedeysanaha. Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay yihiin danaha gaarka ah ee ka dhexeyn kara Madaxwayne Saciid Abdullahi Deni iyo eedeysane Lahoor.
Puntland Online