Israa’iil oo weerar ku qaaday magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar

Share this Post

Galabnimadii maanta oo talaada ah diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo culus ka fuliyey gudaha magaalada Doha ee caasimadda Qatar, iyagoo bartilmaameedsaday dhismayaal ay ku sugnaayeen, hoggaamiyeyaasha sar sare ee ururka Xamaas, oo ka doodayey heshiis xabad joojin ah oo uu Mareykanku dhowaan soo bandhigey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada halka muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyey ay muujinayaan burburka dhismayaasha la beegsadey, dhinaca kale militariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarku ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo hoggaanka sar sare ee Xamaas.

Tani waa markii ugu horreysay tariikhda ee Israa’iil weerar toos ah ku qaado gudaha dalka Qatar, oo ah dal si weyn uga dhex muuqda wadaxaajoodka xabbad-joojinta Qaza xulafo dhowna la’ah Mareykanka. Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalka Qatar weerarka ayaa dhacay xilli wafdi kasocda ururka Xamaas ay Doha kaga doodayeen hindise xabbad-joojin ah oo Mareykanku soo jeediyay.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in saraakiisha bartilmaameedka ahaa ay ka mid ahaayeen Khaliil al-Xayya oo ah madaxa wadaxaajoodka Xamaas, Zaher Jabarin, Khaled Mashal iyo Nizar Awadallah.

Xamaas ayaa u xaqiijisay warbaahinta Reuters, Al Jazeera iyo Al Arabiya in dhammaan xubnihii weerarka lala beegsaday ay ka badbaadeen duqeynta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah iyo khatar toos ah oo ka dhan ah, ammaanka dalkeeda iyo shacabka ku nool.

Afhayeenka wasaaradda, Majid al-Ansari, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday guryo ay deganaayeen xubno ka tirsan hoggaanka Xamaas. Wuxuu ku adkeystay in Qatar aysan aqbali doonin ficillada Israa’iil ee amniga gobolka wiiqaya.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hawlgalkii ka dhacay Doha uu ahaa mid Israa’iil kaligeed fulisay.

“Israa’iil ayaa bilowday, Israa’iil ayaa qorshaysay, Israa’iil ayaana mas’uuliyadda qaadanaysa,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xafiiskiisa Netanyahu.

Sida ay kuwaramayaan warbaahinta Israa’iil, weerarka Israa’iil ku qaadey Qatar ayaa dhacay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu siiyay ogolaansho buuxa.

Wararka ku saabsan khasaaraha ayaa wali ah kuwa is burinaya. Xogaha qaar ayaa sheegaya in madaxdii Xamaas ay ku dhinteen weerarka, halka kuwo kale ay xaqiijinayaan in dhammaantood ay ka badbaadeen. Si kastaba ha ahaatee wali majirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashey weerarka.


Share this Post