Murashax Madaxweyne oo lagu toogtey bartamaha Caasimada Colombia.
Magaalada Bogotá ee caasimadda dalka Colombia waxaa lagu toogtey Senator Miguel Uribe Turbay, oo dhawaan shaaciyay inuu u tartamayo madaxtinimada doorashada Colombia oo la filayo iney qabsoonto sanadka 2026.
Weerarka ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo uu taageerayaashiisa kula hadlayay, xilli uu kujirey ololihiida siyaasadeed.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas lagu furay xilli uu khudbad jeedinayay, taasoo dhalisey buuq iyo kala carar. Uribe ayaa si daran uga dhaawacmay madaxa iyo jilibka, waxaana durba loola cararay xarun caafimaad oo gaar ah.
Ciidamada booliska dalkaas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedaysane 15-jir ah, oo lagu qabtay bastoolad la tuhunsan yahay inuu weerarka ku fuliyay. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Colombia ayaa sheegay in baaritaan degdeg ah oo laxiriira falkaan, la bilaabay.
Xaaska Uribe, oo lagu magacaabo Maria Claudia Tarazona, ayaa shacabka ugu baaqday in ay u duceeyaan ninkeeda, waxayna sheegtay inuu u kujiro xaalad caafimaad oo aad u daran.
Madaxweyne dalkaas, Gustavo Petro ayaa si rasmi ah u cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in falkaasi yahay dhaawac weyn oo gaaray dimuqraadiyadda dalka. Wuxuu sidoo kale ku booriyay shacabka inay midnimo muujiyaan oo ay ka fogaadaan nacaybka siyaasadeed.
Uribe, oo kamid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka, ayaa kasoo jeeda qoys taariikh dheer ku leh hogaanka Colombia. Hooyadiis, Diana Turbay, waxey ahayd suxufiyad caan ah waxaana la dilay sanadkii 1991 xilli ay kooxo hubeysan afduub u haysteen.
Weerarkan naxdinta leh ayaa walaac weyn ku abuuray dad waynaha Colombia, waxaana sidoo kale kahadley dalal shisheeye. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inuu weerarkaan uu yahay mid toos ah loogu beegsadey xoriyadda siyaasadeed ee dalkaas