Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safar Taariikhi ah ku Tagaya Laascaanood

Share this Post

Laascaanood, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Laascaanood, taasoo loo arko mid taariikhi ah marka la eego marxaladda siyaasadeed ee uu marayo gobolka Sool iyo rajada laga qabo in si rasmi ah loogu aqoonsado Maamul-Goboleed cusub.

Qaybgalka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in inta uu socdo safarka Ra’iisul Wasaaraha lagu dhawaaqi doono in maamulka SSC-Khaatumo uu si buuxda uga mid noqon doono Golaha Wadatashiga Qaranka ee heer federaal – kaas oo ay hadda xubno rasmi ah ka yihiin Maamul-Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo keliya.

Tallaabadan ayaa la micno ah in SSC-Khaatumo si rasmi ah loogu aqoonsan doono maamul goboleed cusub, oo kamid noqon doona nidaamka Federaalka Soomaaliya. Waxaa la filayaa in marka la dhammeeyo geeddi-socodka dastuurka iyo dhismaha hay’adaha, in SSC-Khaatumo loo aqoonsado Maamul-Goboleed dhammeystiran.

Dhinaca lale sida wararku sheegayaan, inta uu socdo safarka, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu dhagax dhigi doonaa mashruucyo horumarineed oo muhiim ah, halka uu xariga ka jari doono mashaariicyo la dhameystirey.

Mashaaricda raysal wasaaruhu dhagax dhigi doono waxaa kamid ah: Xarunta maamulka gobolka Sool, Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood, Xarunta Booliska gobolka, Xarunta NIRA – Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha Soomaaliyeed, iyo Xarunta SODMO – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka. Mashruucyadan ayaa lagu tilmaamay kuwo tiir-dhexaad u noqon doona adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo hirgelinta dowlad wanaagga deegaanka.

Dhabar-jab Siyaasadeed oo Ku Yimid Puntland iyo Somaliland

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo tallaabooyinka dhismaha maamulka ee SSC-Khaatumo ay dhabar-jab siyaasadeed ku yihiin Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo muddo dheer isku hayay arrimaha maamulka gobolka Sool, balse ku guuldareystay in ay la yimaadaan xal waara oo ku dhisan cadaalad iyo xuquuq siman oo dadka deegaanka ay helaan.

Gunaanad

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood wuxuu muujinayaa  rumeynta himilooyinka siyaasadeed ee shacabka gobolka Sool oo muddo dheer ku taamayey in SSC-Khaatumo si rasmi ah loogu aqoonsado maamul goboleed. Tani waxay dhabar-jab ku tahay Puntland iyo Somaliland oo muddo dheer isku hayay maamulka gobolka Sool iyl deeganada SSC.


Share this Post