Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey oo kulan ku yeeshay Boosaaso

Share this Post

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, danjire James Swan, oo safar shaqo oo kooban ku yimid Puntland.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Intii kulanku socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, siyaasadda, iyo arrimaha bini’aadantinimo. Waxaa sidoo kale laga hadlay howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee ka socda gobolka Calmiskaad, iyadoo Qaramada Midoobey ay taageero iyo bogaadin u muujisay dadaallada Puntland ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire James Swan ayaa kulankan ka hor booqashooyin ku tegay mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana ugu dambeyn uu la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).


Share this Post