Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Xalay Casho Sharaf Loogu Sameeyay Galmudug

Share this Post

Dhuusamareeb, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay casho sharaf lagu qabtay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Xafladda waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, isagoo si diiran ugu soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha ee safarka shaqo ku jooga caasimadda Dhuusamareeb.

Intii uu halkaasi ku sugnaa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed, isaga oo tilmaamay in Galmudug ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo tusaale u noqon kara dowlad goboleedyada kale.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.


Share this Post