Donald Trump Oo Ku adkeystey in Falastiiniyiinta Laga raro Qaza

Share this Post

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa markale ku celiyay qorshaha uu ku doonayo in dadka reer Gaza loo wareejiyo waddamada Masar iyo Urdun, iyada oo dowladahaas iyo beesha caalamka intooda badan ay si adag uga soo horjeesteen. Trump ayaa ku tilmaamay Qaza inay tahay “goob la dumiyay” oo aan ku habboonayn nolol, isaga oo ku dooday in arrintani ay noqon karto xal kumeelgaar ah ama mid rasmi ah labadaba, Trump ayaa  ku celiyey mar kale in Masar iyo Urdun ay aqbali doonaan inay martigeliyaan qaxootiga Falastiiniyiinta. isagoo yiri mar la waydiiyey “way aqbali donaan maxaa yeelay wax badan ayaan u qabaney Masar iyo Urdun.”

Xasuuqa Israel Ka Geysatay Gaza

Xasuuqa Israel kawado marinka Qaza ayaa galaafatay nolosha in ka badan 50,000 oo qof oo u badan dumar iyo caruur, halka dhaawacyadu ay kor u dhaafeen 100,000. Israel ayaa burburisey inta badan dhismayaashi marinka Qaza, oo ay ku jiraan xarumihii caafimaadka, goobihi waxbrashada, masaajidyo, iyo dhamaan guryihii ay degganaayeen kumannaanka qoys ee reer Qaza.

Dadka reer Qaza ayaa wajahaya xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran , iyaga oo la daalaa dhacaya gaajo, biyo la’aan, iyo hoy la’aan.

Jawaabta Masar iyo Urdun

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah el-Sisi ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uusan aqbali doonin in si khasab ah looga raro Falastiiniyiinta dhulkooda, isaga oo ku tilmaamay arrintan “gardarro” aan la aqbali karin. Dhinaca kale, Boqorka Urdun Boqor Cabdalla II ayaa sidoo kale si adag uga hor yimid fikradda Trump ee ah in Falastiiniyiinta la dejiyo dalkiisa, isaga oo xusay in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan dhulkooda hooyo, isla markaana uusan jiri karin “dal beddel u noqon kara Falastiin.”

Qorshaha Trump ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka kacday gudaha dalka Masar, iyadoo kumannaan qof oo Masaari ah ay isugu soo baxeen xadka Rafah, oo ah albaabka keliya ee Qaza ku xira dunida inteeda kale, si ay u muujiyaan diidmada ay ka qabaan barakicinta Falastiiniyiinta. Dibadbaxayaasha ayaa si adag uga hor yimid qorshe kasta oo dadka reer Qaza looga rarayo dhulkooda, iyaga oo ku adkeysanaya in Qaza ay tahay dhulkooda rasmiga oo aan meelna looga saari karin.

Mowqifka Beesha Caalamka

Dalal ay kamid yihiin Jarmalka iyo Faransiiska ayaa si cad u diiday qorshahan, iyaga oo ku tilmaamay barakicinta khasabka ah mid “aan la aqbali karin” iyo xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, hogaanka Falastiiniyiinta, iyo Qaramada Midoobay, ayaa si adag uga soo horjeestay qorshahan, iyaga oo walaac ka muujiyey saameynta uu qorshahan ku yeelan karo xasilloonida bariga dhexe, mustaqbalka qaddiyadda Falastiin iyo xalka labada dawladood (Two State Solution).

Taariikhda Xiriirka Trump iyo Falastiiniyiinta

Trump Muda xileedkiisi hore,wuxuu qaaday tallaabooyin saameyn weyn ku yeeshay qadiyada shacabka Falastiiniyiinta. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa:

1. Aqoonsiga Qudus inay tahay caasimadda Israel:

Sannadkii 2017, Trump wuxuu ku dhawaaqay in Maraykanku magaalada Qudus u aqoonsadey inay tahay caasimadda rasmiga ah ee Israel. Tallaabadan oo aheyd mid si wayn u beddeshay siyaasaddii hore ee Maraykanka, taasoo ahayd in arrinta Qudus lagu xaliyo wadaxaajoodyada labada dhinac ee Falastiin iyo Israel.

2.Trump wuxuu sidoo kale albaabada iskugu dhuftey xafiisyadii diblomaasiyadeed ee Falastiiniyiinta ee kulahaayeen magaalada Washington,

3.Waxey xukuumada Trump joojisey gebi ahaanba taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jirey hay’adda UNRWA, taasoo oo ah haayad gargaar u fidisa qaxootiga Falastiiniyiinta.

4. Trump ayaa sidoo kale ka shaqeeyey heshiisyo taariikhi ah oo dhexmaray Israel iyo qaar kamid ah dalalka Carabta sida Isutagga Imaaraadka iyo Baxrayn, kaas oo lagu caadiyeynayey xiriirka Israel iyo wadamada Carbeed. Heshiisyadani, oo loo yaqaan “Abraham Accords,” ayaa Falastiiniyiinta ku noqdey khiyaano iyo dhabar jab wayn, maadaama dalalka Carbeed ay isku raaceen in xiriir kasta oo diplomasi oo  ay la yeeshaan Israel uu ku xiran yahay dhismaha dawlad ay leyihiin Falastiiniyiinta.

Qorshaha Trump ee Masar iyo Urdun: Ma Hirgeli Doona

Waxaa jira warar sheegaya in Maraykanka uu qorsheynayo in uu cadaadis ku saaro dalalka Masar iyo Urdun inay aqbalaan qaxootiga reer Qaza, iyadoo loo adeegsanayo taageerada dhaqaale ee labada dal ka helaan Maraykanka.

Baraha bulshada sida X (horey loo oran jiray Twitter) ayaa si weyn loogaga falceliyay arrintan, dad badan ayaa si adag u dhaleeceeyey qorshaha Trump, iyaga oo ka cabsi qaba in ay sii huriso xasillooni darrada gobolka Bariga dhexe.

Si kastaba ha ahatee, Arrintani ayaa u muuqataa mid aan suuragal aheyn, iyadoo ay durba soo baxdey diidmada laga qabo qorshahan, taasoo caqabad weyn ku ah siyaasadda arrimaha dibadda Trump ee ku wajahan Bariga Dhexe.


Share this Post