Ciidamada Puntland oo la wareegay Taliskii ugu Waynaa Daacish ee Miiraale

Share this Post

Ciidamada Puntland ayaa maanta si buuxda ula wareegay taliskii ugu dambeeyay ee kooxda Dacish ku lahayd buuraha Cal Miskaad, gaar ahaan Togga Miiraale. Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, ciidamada ayaa qabsaday goobo muhiim ah oo ku yaalla dhul buuraley ah oo aan lahayn wadooyin la maro, iyadoo ciidamadu lugaynayeen boqolaal kiilomitir.

War kasoo baxey ciidanka oo lagu baahiyey bartooda Facebook ayaa lagu yiri: “Allahu Akbar, Ciidanka Dowladda Puntland oo hawlgal ka sameeyay aagga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey argagixiso ku dhuumanaysay, isla markaana ka saaray godadkii ay ku qarsanaayeen. Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dhamaystirka wejiga saddexaad ee Hawlgalka Cal Miskaad.”

Ciidamada Puntland ayaa labadii todobaad ee u dambeysay wadey howlgallo lagu baacsanayay kooxda Dacish, iyagoo ku howlgalaayey xaalado adag oo ay adeegsanayeen gaadiid dhaqameed sida dameero iyo awr, si ay u gaaraan meelaha aan gaadiidka caadiga ah mari karin. Muuqaallo laga baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay ciidamada oo hubka culus sida Dashiikaha ku raranaya dameero, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay ciidamada in ay si buuxda u baabi’iyaan argagixisada.


Share this Post