Madaxweynaha Soomaaliya Oo Daahfuray Warshadda Cusub Ee Banaadir Steel
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Warshadda Banaadir Steel, oo ah warshad casri ah oo soo saarta biraha dhismaha, iyadoo adeegsaneysa hanaanka dib u warshadeynta biraha duugoobay.
Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee warshadda, isaga oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinaya gudaha dalka, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wax-soo-saarka gudaha iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladda federaalka ahi ay si buuxda u taageerayso muwaadiniinta dalka ku maalshanaya, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.
“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada geesiyaasha ah ee fursadahan abuurtay, kuwaas oo shaqo u helay in ka badan 400 oo qof. Warshado sidan oo kale ah ayaa saldhig u noqon doona horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa in qurbajoogta Soomaaliyeed ay iyaguna qayb ka noqdaan dib u dhiska dalka iyo maalgelinta warshadaha gudaha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan hal-abuurka iyo soo saaridda badeecooyin buuxiya baahiyaha dalka, si Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhaqaale iyo warshado tayo leh oo u adeegaya bulshada

