Ciidamada Cirka Itoobiya oo Duqeymo Ka fuliyey Magaalada Jilib

Share this Post

Jilib (Puntland Online) Ciidamada cirka ee Itoobiya oo garab siinaya dowladda Soomaaliya ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday caasimada ururka Al shabaab ee magaalada Jilib iyo adegaano kale oo ay gacanta ku hayaan Al shabaab.

Duqeynta ugu horreysay ayaa ka dhacday degaanada Boos Hareeri iyo Ceelbacad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, sida wararku shegayaan waxaa halkaas lagu dilay xubno katirsan uruka argagixisada Al-Shabaab,iyadoo sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradaha dagaalka ciidamada cirka Ehtiopia a duqeyn xooggan fuliyeen degmada Jilib oo ah caasimada ururka argagixisada Al shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha lagu wiiqayo ururka.

Weeraro kale ayaa sidoo kale ka dhacay Shabeelaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyeen buundo muhiim ah oo Al-Shabaab ay u isticmaali jirtay isu socodka Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Duqeymahaan ayaa imaanaya iyadoo degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose ay shalay la kulantay dagaal culus, kadib markii Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen magaaladaasi, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa si adag isaga caabiyay.


Share this Post