Madaxweyne Deni oo laba degmo oo cusub u magacaabay gobolka Sanaag

Share this Post

Bosaaso – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dhismaha laba degmo oo cusub oo ka tirsan gobolka Sanaag. Degmooyinkan cusub ayaa kala ah Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol, kuwaas oo lagu daray nidaamka dowladnimo ee Puntland kadib markii uu Madaxweyne Deni saxiixay Xeer Lr. 06.

Sida ku cad xeerkan, go’aanka lagu dhisay degmooyinkan waxaa lagu saleeyay dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobkiisa 80-aad, iyo talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Degmooyinkani waxay heli doonaan maamul u gaar ah iyo adeegyo dowladeed, taas oo loo arko tallaabo kor loogu qaadayo adeegga bulshada iyo maamulka deegaanka.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in arrintan ay ka tarjumeyso istaraatiijiyad siyaasadeed oo Madaxweyne Deni ku doonayo inuu ku adkeeyo saamaynta Puntland ee gobolka Sanaag, xilli ay halkaasi ka jiraan xaalado siyaasadeed oo isbeddel ah, gaar ahaan kadib dhismaha maamulka cusub ee loo bixiyay Waqooyi Bari ee magaalada Laascaanood.


Share this Post