Xamaas iyo Israa’iil oo Heshiis Gaarey: Maxaa Lagu Heshiiyey?

Share this Post

18 Janaayo 2025, golaha wasiirrada Israa’iil oo uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ansixiyey heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil. Heshiiskani waxaa horey loogu gaarey magaalada Doha ee Qatar habeenimadii Arbacada, 15 Janaayo 2025. 24 wasiir ayaa u codeeyey heshiiska, halka 8 wasiir ay diideen. Heshiisku waxaa la filayaa inuu dhaqan gal noqdo Axadda, 19 Janaayo 2025. Heshiiska ayaa ka kooban  saddex waji, oo mid walba uu socon doono 42 maalmood.

Heshiiskaan ayaa kusoo beegmay kadib dhimashada ugu yaraan 46,00 oo Falastiini rayid ah  iyo dhaawacyada 110,000 oo kale. Guryaha iyo dhismayaasha Qasa ayaa si buuxda u burburay, iyadoo dhamaan reer Qaza ay ku wayeen dagaalka naf hoy iyo hanti intaba.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa dhankeeda la kulantay khasaare naf iyo maal-leh kaas lagu qiyaasayo dhimashada askarta 1,200 oo askari burbur dhaqaale oo gaaraya  $68 bilyan, iyo ciidamada Israa’iil oo  sidoo kale lakulmey niyad-jab iyo xanuuno nafsi ah oo dagaalku ku reebay.

Marxaladaha Hirgelinta Heshiiska:

Wajiga 1aad: Tallaabooyinka bani’aadamnimada

Heshiisku waxa uu ku bilaaban doonaa saddex waji, waji walbana waxa uu socon doonaa mudo 42 maalmood ah. Si kastaba ha ahaatee, sida ku cad qoraalka heshiiska Wajiga kowaad  ayaa soconaya  42 maalmood kaas oo  lagu herglin doono qodobadan soo socda:

Hakinta howlgalada milateri, iyo is dhaafsiga maxaabiista

1– Inta lagu jiro wajiga kowaad uruka Xamaas ayaa sii deyn doona 33 maxbuus oo Israa’iiliyiin, halka Israa’iil ay dhankeeda sii deyn doonto ku dhowaad 1000 maxaabiis Falastiniyiin ah  kuwaas oo kujira xabsiyada Israa;iil. Dhinaca kale maxabiista Xamaas ay gacanta ku heyso 9 kamid ah oo ah kuwa xanuusan ayey ku bedelan doontaa 110 maxabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra;iil.

2– Ciidamada Israa’iil ayaa isaga bixi doona deegaannada ay dadku ku badan yihiin iyaga oo fariisamo ka dhigan doona bariga dhanka xadka ay wadagaan Qaza iyo Israel.

3– Is dhaafsiga maxaabiista ayaa bilaaban doona toddobo maalmood ka dib markay xabbad-joojintu billaabato taas oo kubeegan maalinimada axada  19 janaayo 2025.

4– Haweenka maxaabiista ah ee u xiran Xamaas gaar ahaan kuwa askarta ah mid walba, waxay ku bedalan doonaan 50 maxbiis Falastiini ah, oo ay ku jiraan 30 xabsi daa’im horey loogu xukumay iyo 20 kale oo lagu xukumay xabsi dheer.

5– Maxbuus kasta oo rayid ah oo ka mid ah Israa’iiliyiinta ay sii deynayso Xamaas, waxay ku beddelan doontaa, 30 maxaabiis  Falastiini ah, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, haween, iyo kuwa qaba xaaladdo caafimaad.

Gargaarka bani’aadantinimo:

Laga billaabo maalinta ugu horreysa ee heshiiska, gargaarka bani’aadantinimo ayaa loo fasixi doonaa marinka Qaza. Gar gaarka ayaa ka kooban 600 oo baabuur maalintii, oo ay ku jiraan 50 baabuur oo shidaal ah. Kala bar sahaydan ayaa lageyn doonaa waqooyiga marinka Qaza  oo ah goobta ugu darran ee wajahaysa xaaladda bani’aadantinimo.

Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah ayaa kormeeri doona qaybinta gargaarka bini-aadanimada dhammaan wejiyada uu kakooban yahay heshiisku.

Wajiga 2aad: Wada-xaajoodyo ballaaran

1– Laga billaabo maalinta 16-aad ee heshiiska,waxaa bilaaban doona wadaxaajoodka  wejiga labaad kaas oo diiradda lagu saari doono: Sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee ku hadhay gacanta Xamaas, halka Israa;iilna ay sii deyn doonto tiro maxaabiis ah oo lagu heshiin doono,sidoo kale waxaa lasoo gabagabeyn doona dhamaan howlagalada milateri ee gumeystaha Israa’iil ka wado marinka Qaza.

2– Sida ku cad heshiiska wada-xaajoodyada waxaa lagu soo gabagabeyn doonaa asbuuca shanaad ee wejiga koowaad.

Wajiga 3aad: Dib u dhiska iyo xasilloonida

Wajigan waxaa lagu gorfeyn doonaa qorsheynta iyo gaarista nabad waarta.

1– Dib u dhiska kaabayaasha Gaza, oo ay ku jiraan guryaha, isbitaallada, iyo iskuulada.

2– Soo celinta Falastiiniyiinta barakacay, kuwaas oo loo oggolaan doono inay ku noqdaan waqooyiga Gaza.

3– Dayactirka kaabayaasha, oo ay ku jiraan korontada, biyaha, nadaafadda, isgaarsiinta, iyo waddooyinka. Waxaa la hirgelin doonaa in kabadan 60,000 oo guryo ku meel gaaara ah  iyo 200,000 teendho oo loogu talagalay qoysaska barakacay.

Damaanadqaadayaasha Heshiiska:

Dawaladaha kala ah Qatar, Masar, iyo Maraykanka ayaa noqdey damaanad qaadayaasha heshiiska, ka dib toddobaadyo wada wadahalo adag socdeen.

Xaaladda Hadda

Ku dhowaad 120 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee Qaza tan iyo markii Habeenimadii Arbacada magaalada Doha lagaga dhawaaqay  heshiiska lagaaray. Warbaahinta  Al Jazeera oo soo xiganeysa UNICEF ayaa sheegtay in 35 carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta lagu dilayay Qaza intii lagu jiray 15-ka bilood ee dagaalka marinka Qaza.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa tan iyo Oktoobar 7, 2023, sababay dhimashada ugu yaraan 46,00 oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 110,642 qof. Halka ugu yaraan 1,139 qof lagu dilay gudaha Israa’iil weeraradii ay Xamaas hoggaaminasay, halka 250 ay qafaalatey Xamaas.

Kadib ansixinta heshiiska xabbad-joojinta, mas’uuliyiinta Israa’iil waxay shaaciyeen liiska 737 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu wado in lasii daayo wajiga koowaad ee heshiiska, kaas oo bilaaban doona maalinta Axadda afarta galabnimo. Sida ay sheegtey Al Jazeera, oo soo xiganeysa sarkaal Masri ah ayaa sheegay in wafdi ka socda Milateriga Israa’iili iyo hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet ay Jimcihii shaley ka degeen magaalada Qaahira si ay uga wada hadlaan dib u furitaanka xuduudka Rafah iyo soo wareejinta maxaabiista.

Mustaqbalka Marinka Qaza

Al Jazeera oo soo xiganeysa warbixin kasoo baxdey xafiiska  Madaxweynaha Maamulka daanta galbeed ee Falastiin, Maxamuud Cabaas, ayaa sheegay in Maamulka Falastiin uu diyaar u yahay inuu la wareego mas’uuliyada Marinka Qaza, kaas oo noqonaya hadalkiisi ugu horreeyay tan iyo markii  lagu dhawaaqey heshiiska xabbad-joojinta ah ee dhexmaray Israa’iil iyo Hamas.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Falastiin ayaa lagu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabaas ay dhammeystirtay dhammaan diyaar garowgeeda si ay ula wareegto masuuliyada Marinka Qaza, taasoo ay ku jiraan dib u soo celinta dadka barakacay, bixinta adeegyada aasaasiga ah, maamulidda xuduudaha, iyo dib u dhiska marinka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Cabaas ay mar kale ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, marinka Qaza isagoo ku baaqey in Israa’iil si buuxda   uga baxdo.

Madaxweynaha Israa’iil iyo kooxdiisa midigta fog ayaa si joogto ah u diidi jirey in Hamas ama Maamulka Falastiin ay la wareegaan gacan ku heynta Marinka Qaza, iyagoo ku tilmaamay in arrintaas ay Isra’iil ku noqoneys halis amni. Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa dhowaan sheegay in Maamulka Falastiin uu maamuli doono Marinka Gaza.

Ururka Xamas, ayaa maamulaya Marinka Qaza tan iyo 2007-dii. Xamas waxay ku guuleysatay doorashooyinkiii baarlamaanka Falastiin ee dhacey 2006, waxaana ka dhashay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysay Xamas iyo kooxda Fatah, taas oo marki danbe isku bedeshay dagaal toos ah oo labada urur ku dhex marey gudaha marinka Qaza,ilaa ugu danbeyn Xamaas ay ku guuleysatay inay xoog kula wareegto guud ahaan marinka Qaza.

Maamulka Fatah, ee ka talinaya Daanta Galbeed ee laheysto (West Bank}, ayaa si weyn uga duwan maamulka Xamaas ee ka talinaya marinka Qaza. Fatah waa urur siyaasadeed ka soo horjeeda siyaasadda uruka Xamas, maamulka Fatah waxaa loo arkaa mid tabar daran marka loo eego Xamaas, iyadoo inta badan lagu eedeeyo in uu u janjeero dhinaca Israa’iil. Fatah, oo markii hore ahaa urur hubeysan oo ku suntanaa halganka Falastiin, ayaa hadda noqday mid siyaasad ahaan ka duwan Xamas.

Gunaanad: 

Inkasta oo xabad-joojintu ay muhiim u tahay reer Qaza, hadana lama xaqiijin karo in ay sii socon doonto. Haddii heshiisku dhaqan galo, wuxuu fursad u noqon karaa soo kabashada reer Gaza. Si kastaba ha ahatate, Israa’iil  loogama baran inay si dhab ah u fuliso heshiisyada ay gasho.


Share this Post