Maxay Tahay Khariiradda Cusub ee uu Soo Bandhigay Netanyahu ee Halista Ku Ah Dhulka Falastiiniyiinta?
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wajahaya cambaareyn caalami ah kadib markii uu soo bandhigay khariirad cusub oo muujineysa Israa’iil oo aysan ku jirin Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo meesha ka saaray khariiradda Daanta Galbeed (West Bank), taas oo la macno ah in dhulka Maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed uu kamid yahay dhulka Israa’iil.
Khariiraddan ayaa lagu soo bandhigay shir jaraa’id oo uu Netanyahu ku qabtay magaalada Qudus, taariikhdu markay ahayd Sebtembar 2, 2024, waxaana laga arkay Israa’iil oo loo muujiyey khariidad ahaan in ay leedahay dhulka Falastiiniyiinta, iyadoo meesha laga saaray dhulka Falastiin inta hadda gacanta ugu jirta sida Daanta Galbeed iyo marinka Gaza.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag uga jawaabtay, iyadoo ku tilmaamtay khariiraddan inay tahay “qirasho cad oo muujineysa ajandaha gumeysi iyo cunsuriyadeed ee Israa’iil.” Waxay sheegeen in tallaabadan ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, iyagoo sheegay in Israa’iil ay ku howlan tahay dembiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta si ay u burburiso jiritaankooda iyo xuquuqahooda umadnimo.
Falcelinta ayaa ku faaftey dadweynaha caalamka iyo baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen in Netanyahu uu si toos ah ugu dhawaaqayo qorsheyaal lagu tirtirayo dadka reer Falastiin iyo dhulkooda. Khubarada ka faalootay ayaa ku tilmaamay ficillada Netanyahu inay yihiin qayb ka mid ah olole ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo jiritaanka dadka reer Falastiin, taasoo ay sabab u tahay taageerada joogtada ah ee uu ka helayo Dawlada Maraykanka.
Xaaladda ayaa kasii dareysa maadaama arrintan ay daba socoto cambaareyn hore oo caalami ah oo ka timid Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) taas oo bishii Luulyo 2024 ku dhawaaqday in duulaanka iyo qabsashada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ay tahay mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa horey dhowr jeer ugu celceliyay in uu diidan yahay oo uusan marnaba ogolaan doonin in la dhiso dowlad ay leeyihiin dadka Falastiiniyiinta ah, taas oo ay dad badan u arkeen inay muujineyso mabda’a fog ee Zionist-ku ay ku doonayaan iney xaqiijiyaan hirgelinta “Greater Israel” ama Israa’iilsha wayn.
Mabda’aan ama aragtidaan ayaa ujeeddadeedu tahay in dhammaan dhulka Falastiin, Daanta Galbeed, Gaza, bariga Qudus, iyo qeyb kamid ah dhulka dalalka deriska la ah ay qabsato Israa’iil.
Dhinaca kale, tallaabadan ayaa loo arkaa mid iska indho-tireysa heshiisyadii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa xal u helidda khilaafka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan xalka labada dowladood oo loo arko inuu yahay dariiqa ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo colaadda muddada dheer soo jiitameysay ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
Dhanka baraha bulshada, dad badan oo u ololeeya xuquuqda Falastiiniyiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Israa’iil ayaa si weyn uga hadlay arrintan, iyagoo ku tilmaamay ficillada Netanyahu kuwa sii hurinaya colaadda ka dhex taagan bulshooyinka Israa’iil iyo Falastiin.
Madaxdii hore ee Israa’iil iyo siyaasiyiin kale oo gudaha Israa’iil ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay khariiradda Netanyahu, iyagoo ku tilmaamay inay tahay ficil aan caqli gal ahayn oo dhaawacaya sumcadda Israa’iil ee caalamka.
Waxay ku doodayaan in khariiradda noocan ah ay sii fogeyn karto fursadda nabadda iyo wada xaajoodka siyaasadeed ee mustaqbalka.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid uu Netanyahu ku doonayo inuu ku kasbado taageerada iyo codadka dhinacyada xagjirka ah ee siyaasadda gudaha Israa’iil.
Sidoo kale Netanyahu ayaa horey dhowr jeer u fashiliyey heshiisyadii lagu sii deyn lahaa maxaabiista Israa’iil ee ku jirta gacanta Falastiiniyiinta, ciidamadiisana uga saari lahaa Qaza si losoo af jaro dagaalka Gaza.
Iyadoo Maamulkiisu uu hada wajahayo kacdoono iyo mudaharaadyo waawayn oo kasocda gudaha Israa’iil, kaas Israa’iiliyiintu ku dalbanayaan in lagaaro heshiis xabad joojin lana soo af jaro dagaalka Qaza
Ugu dambeyn, arrintan waxaa loo arkaa inay sii hurineyso xiisadda gobolka bariga dhexe oo mar horeba kacsanayd, iyadoo dadka siyaasadda u dhuun daloola ay ku talinayaan in Israa’iil ay dib uga laabato khariiraddan muranka dhalisay oo ay dib ugu laabato miiska wadahadalka si loo gaaro xal nabadeed oo waara.