Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirrada EU iyo Nederlaan

Share this Post

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyo safiirka Boqortooyada Nederlaan, Henk Jan Bakker.

Labada safiir ayaa Madaxweynaha u gudbiyey warqadahooda aqoonsiga, iyagoo ku muujiyey ballanqaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay Midowga Yurub iyo Nederlaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo dhaweeyey safiirrada xilalka cusub, wuxuuna sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin wada shaqeyn iyo iskaashi ku dhisan kalsooni iyo danta guud.

Danjireyaasha ayaa dhankooda bogaadiyey hoggaanka dowladda Soomaaliyeed, waxayna hoosta ka xariiqeen in dalalkoodu ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada amniga, horumarinta iyo xiriirka diblomaasiyadeed.


Share this Post