Puntland oo Diidey barnaaijka Diiwaangelinta Dadwaynaha ee NIRA

Share this Post

Maamulka Puntland ayaa si cad u diiday qorshe ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu diiwaangelinayo dadweynaha si loo siiyo kaararka aqoonsiga muwaadinimo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa shacabka gobolkaas uga digay ka qaybgalka barnaamijkaas, isagoo ku eedeeyay hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee dowladda Federaalka (NIRA) in aysan ku shaqeyneyn dastuur ay Soomaali ku heshiisay.

“Barnaamijkan wuxuu ka hor imaanayaa madax-bannaanida Puntland, dastuurkii lagu heshiiyayna wuu burburay. Hay’ad dastuuri ah ma aha NIRA,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in muwaadin kasta oo ka qayb qaata diiwaangelinta ay wado NIRA uu waayi doono xuquuqaha muhiimka ah ee uu ka leeyahay Puntland, isla markaana ay Puntland tallaabo ka qaadi doonto.

“Cid kasta oo kaar ka qaadata NIRA, waxay luminaysaa xuquuqdeeda muwaadinimo ee Puntland,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in shacabka Gaalkacyo laga rabo in ay ka feejignaadaan qorshahan.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin diidmada Puntland ee barnaamijkan, inkastoo NIRA ay horay u shaacisay in ay qorsheynayso diiwaangelin qaran oo laga hirgeliyo guud ahaan dalka


Share this Post