Madaxweyne Xasan Shiikh: Khilaafaadka Puntland iyo Jubbaland waxaan ku xallin doonaa wada-hadal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay waddo dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland, isagoo xusay in wada-hadal iyo is-afgarad lagu gaari doono xal waara.
“Dadaalku wuu socda, mana joojinayno ku qancinta walaalaha Puntland iyo Jubbaland in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadda dalka. Maqaamka iyo mas’uuliyadda qaran ee naga saaran nabad-doonka iyo mideynta shacabka waxay naga rabaan in aan dhageysano cid kasta oo tabasho qabta” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si gaar ah uga hadlay qorshaha dowladda ee ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Wuxuu sheegay in dhowaan si rasmi ah loo bilaabi doono qodista iyo wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay ee Soomaaliya, arrin uu ku tilmaamay guul weyn oo dhaqaale iyo horumarineed.
“Bisha soo socota waxaa bilaaban doona hawsha shidaal soo saarista. Waa tallaabo muhiim ah oo horseedi doonta koboc dhaqaale, shaqo-abuur, iyo isku-filnaansho qaran. Waxaa sidoo kale la horumarin doonaa kaabayaal muhiim ah sida jidadka, dekedaha, garoomada diyaaradaha, iyo saldhigga dayaxgacmeedka oo Soomaaliya ka hirgeli doonta, taas oo noqonaysa tii ugu horreysay Afrika” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.