Mareykanka oo Wadahadalo toos ah La Furey Ururka Xamaas

Share this Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay inay wada-hadallo toos ah la yeesheen hoggaamiyeyaasha ururka Xamaas, wadahadaladaan ayaa ku soo beegmey xilli xabbad-joojinta u dhaxaysa Israa’iil iyo ururka Xamaas ay khatar ugu jirto iney bur burto, kadib markii Israa’iil ay diidey iney gasho wadahadalada wajiga labaad ee heshiiska xabad joojinta Qaza.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Karoline Leavitt, ayaa arbacadii xaqiijisay jiritaanka wadahadalada tooska ah ee dhex marey Xamaas iyo Mareykanka, iyadoo aan faahfaahin dhameystiran ka bixin wada-hadalladaas.

Talaabadan ayaa noqonaysaa markii ugu horreysay ee Mareykanku si toos ah ula xiriiro uruka Xamaas tan iyo markii Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ku dartay Xamaas liiska ururada argagixisada shisheeye sanadkii 1997.

Karoline ayaa sheegtay in wada-hadallada iyo xiriirka caalamiga ah ay qeyb ka yihiin dadaalada uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u arko inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta danta dadka Mareykanka.

Adam Boehler, oo Madaxweyne Donald Trump u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha La-haystayaasha ku xiran marinka Qaza, ayaa hoggaaminayay wadahadalada tooska ah ee dhex marey Mareykanka iyo Xamaas.

Adam Boehler ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii hormuudka ka ahaa heshiisyadii (Abraham accords) ee suura geliyey in ay xiriir diblomaasiyadeed yeeshan Israel iyo qaar kamid ah wadamada Carabta muda-xileedkii hore ee Madaxweyne Trump.

Leavitt ayaa xustay in Boehler uu awood buuxda u heysto gelitaanka wada-hadalladaas.

Wadahadallada, oo ka dhacay magaalada Doxa ee dalka Qatar, bishii lasoo dhaafey ee Febraayo, ayaa diiradda lagu saaray sii-deynta la-haystayaasha Mareykanka ah iyo suurtagalnimada soo afjarida dagaalka Gaza, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo diiday inuu magaciisa sheego.

Karoline Leavitt ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil lagala tashaday wadahadalada, iyadoo xustay in shaqada Boehler ay ahayd “isku-day dhab ah oo lagu xaqiijinayo danta dadka Mareykanka.”

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si kooban uga falceliyay wada-hadallada Mareykanka iyo Xamaas, isagoo sheegay in Israa’iil ay Mareykanka u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan wada-hadallada tooska ah oo lala yeesho Xamaas.


Share this Post