Itoobiya oo Daahfurtay Suuqa Sarifka iyo Saamiyada Ganacsiga (ESX)

Share this Post

Dalka Itoobiya ayaa bishii Janaayo 12, 2025, si rasmi ah u daahfuray Suuqa Sarifka iyo Saamiyada Ganacsiga (Ethiopian Securities Exchange – ESX). Suuqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka hirgalaya dalkaasi Itoobiya, kaas ujeedkiisu yahay in shirkadaha iyo ganacsatada ay usahlanaato inay suuqa ku soo bandhigaan saamiyo ganacsi oo dadweynuhu ka iibsan karaan, si kor loogu qaado dhaqaalaha.

Muhiimadda Suuqa ESX

Suuqan cusub wuxuu Itoobiya u horseedi karaa kobac dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashi gudaha iyo dibadda ah. Wegagen Bank, oo ka mid ah bangiyada waaweyn ee dalkaas, ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee ku biirta suuqa, halka shirkadda isgaarsiinta dowladda ee Ethio Telecom ay qorsheyneyso inay soo saarto saamiyo ay dadweynuhu ka iibsan karaan. Waxaa la filayaa in tobanka sano ee soo socda ay suuqa ku biiraan ku dhawaad 90 shirkadood.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa furitaanka ka sheegay, “Tani waa guul taariikhi ah oo noo horseedi doonta kobac dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyadoo la abuuri doono fursado maalgashi oo muhiim ah.”

Itoobiya iyo Dhaqaalaha Gobolka

Itoobiya waa waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof. Sannadihii ugu dambeeyay, dowladda dalkaasi waxay qaadday tallaabooyin lagu furfurayo dhaqaalaha, taas oo soo jiidatay shirkado caalami ah sida Safaricom oo ka diiwaangashan Kenya, taasoo ku guuleysatay ruqsada isgaarsiinta gaarka ah sannadkii 2021.

Caqabadaha Itoobiya Wajahayso

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay la tacaaleysaa caqabado waaweyn, oo ay ka mid yihiin sameyntii ay ku yeelatey colaadii hubeysaneyd ee ka dhacay gobolka Tigray sanadihii (2020-2022) iyo kuwa hadda ka aloosan gobolka Amxaarada. Arrimahan ayaa culays ku noqday dhaqaalaha iyo amniga dalka, iyadoo welwel laga qabo sida Itoobiya uga dhabeyn karto hirgelinta nidaam dhaqaale oo furan.

Saameynta iyo Rajada

Furitaanka Suuqa Sarifka iyo Saamiyada Ganacsiga ee Itoobiya wuxuu keeni karaa fursado dhaqaale oo ballaaran, iyadoo shirkadaha iyo ganacsatada dalka ay heli doonaan maalgashi cusub oo ka caawin kara horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale, dadweynuhu waxay heli doonaan fursado ay ku maal gashadaan shirkadaha gudaha, taas oo kobcin karta dhaqaalaha dalkaa ay dagaallada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ragaadiyeen.

Gabagabadii, inkasta oo Itoobiya ay qaaday tallaabadan horumarineed, waxaa jira shaki ku saabsan ka dhabeynta hirgelinta nidaamkaan cusub. Miyay suurtogal tahay in Itoobiya ay ka gudubto caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee horyaala, isla markaana ay ku guuleysato in ay hirgeliso kobac dhaqaalaha iyo horumarineed, mise tallaabadani waxey noqon doonta kaliya qorshe hawleed aan la fulin?


Share this Post