HomeNewsSomaliaWorld

Dawlada Burundi Oo Iska Diiday Ka Qeyb Galka Howlgalka Cusub ee AUSSOM.

Waxaa cirka isku sii shareeray muran diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Burundi, kaas oo la xiriira tirada ciidamada Burundi ee ka qaybgalaya howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM). Murankan ayaa khatar ku ah geeddi-socodka kala guurka hawlgalka ATMIS.

Soomaaliya ayaa u qoondeysay Burundi 1,041 askari si ay uga qeyb qaataan howlgalka, hase yeeshee dowladda Burundi ayaa ku adkeysanaysa in tiradan ay tahay mid aan ku filneyn oo aad u yar, taas oo halis gelin karta amniga iyo hawlgalka ciidamadooda. Diblomaasiyiinta reer Burundi ayaa soo jeediyay in ugu yaraan 2,000 oo askari loo ogolaado.

Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku taariikheysan 26-kii Diseembar, ayaa lagu sheegay in “ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF)” aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka sababo la xiriira “is-faham la’aanta qoondeynta tirada.” Wasiirka ayaa xusay in arrintani ay sababtay in Burundi ay ka baaqsato hawlgalkan.

Diblomaasi sare oo reer Burundi ah ayaa VOA u xaqiijiyay muranka ka taagan tirada ciidamada, isagoo si adag u dhaleeceeyay Soomaaliya.

“Madaxda Soomaalida waxay nagu sameeyeen gef weyn, iyagoo nagu qoondeeyay tiro aan dabooli karin baahiyaha ciidankeena. Dareenka Burundiyiinta ee ku wajahan Soomaalida ma sahlana in lagu sifeeyo ereyo fudud,” ayuu yiri diblomaasiga.

“Waxaan rajaynaynaa in arrintu is beddesho ka hor 31-ka Diseembar, haddii kale waxaan ku laaban doonnaa dalkayaga. Ma dooneyno inaan sii joogno meel aan nalaga ixtiraameyn. Waxaan mudannahay raalligelin buuxda,” ayuu yiri diblomaasigan reer Burundi.

Sidoo kale, weli lama caddeyn kaalinta ciidamada Itoobiya ee hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Mas’uuliyiin Itoobiyaan ah ayaa ku dhawaaqay diyaarintooda, hase yeeshee ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weli aan la gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan arrintan.

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union Somalia Support Mission) ayaa lagu wadaa inuu beddelo hawlgalka ATMIS ee hadda ka socda Soomaaliya. Inkastoo warar kala duwan kasoo baxayaan tirada ciidamada ka qeyb qaadan doona hadana, sida laga soo xigtay ilo wareedyo, waxaa la qorsheynayaa in tirada guud ee ciidamada AUSSOM ay noqoto 11,000 askari, iyadoo dalalka ka qeybgalaya lagu soo daray Masar, Kenya, Uganda Burundi iyo Djouti

Spread the love