Sheekh Shariif: “Muqdisho Al-Shabaab Ayaa Ka Buuxda, Yaa Dammaanad Qaadaya Amniga Doorashada?”

Share this Post

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay qorshaha ay dowladda federaalku ku dooneyso iney dalka uga qabto doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu xusay in geeddi-socodka hadda jira uusan weli buuxin shuruudihii aasaasiga ahaa ee lagama maarmaanka u ah doorasho hufan oo ammaan ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aan doorasho la qaban karin iyadoo aan la dhammaystirin dib-u-heshiisiin qaran iyo sharciyo lagu mideysan yahay. Isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri:

“Doorasho qof iyo cod ah in la qabto waxay u baahan tahay in la dhammaystiro hanaanka dib-u-heshiisiinta, kadibna waa in la dhiirrigeliyaa hanaanka xisbiyada badan. Wixii ka dambeeya waa in laga doodaa hanaanka doorashadu inuu noqdo mid hufan oo aan dadka Soomaaliyeed dhibaato hor leh u keenayn.”

Wuxuu intaas ku daray in xisbiyada siyaasadda loo baahan yahay in la siiyo jawi ay ku kalsoonaadaan, isla markaana la dhiso hay’ado madaxbannaan oo fulin kara waajibaadkooda si aan tanaasul ku jirin. Sida uu sheegay, doorashada qof iyo cod ma aha oo keliya dhismaha goobaha codeynta, balse waxay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo cad, sharciyeysan, kuna dhisan kalsooni bulsho.

Dhanka amniga, Sheekh Shariif wuxuu muujiyay walaac xoog leh oo ku saabsan xaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka uu sheegay inay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu yiri:

“Muqdisho waxaan ognahay inay xubno Al-Shabaab ka buuxaan, kuna hareeraysan yihiin magaalada. Yaa damaanad qaadaya mas’uuliyadda amniga dadka codeynaya doorashada haddii ay dhintaan?”

Madaxweynihii hore ayaa ku dhaliilay dowladda inay xoogga saareyso qabashada doorashada, iyadoo aan si buuxda u tixgelin cawaaqibta dhanka amniga. Wuxuu carabka ku adkeeyay in badqabka dadka codeynaya uu ka muhiimsan yahay degdegga doorashada.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka ah ay sii adkeyneyso mowqifkeeda ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod, halka mucaaradku ay ku doodaan in xaaladda amni, dhaqaale, iyo sharciyeed aan weli u diyaarsanayn doorasho noocan ah.


Share this Post