Lahoor oo Qirtey Dilkii Suldaan Bashiir Muuse Koonte
Boosaaso – Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Abdirahman Shirwac Aw-Siciid Laahoor, oo dhowaan isku dhiibay ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, uu si rasmi ah u qirtay in uu ka dambeeyay dilkii Suldaan Bashir Muuse Koonte. Suldaanka ayaa 8-dii Maarso 2019 lagu diley magaalada Bosaso xilli uu salaad ku tukanayey gudaha Masjid Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-Hawada.
Dhinaca kale xogo ay heleyso Puntland Online ayaa sidoo kale sheegaya in Laahoor uu qirtay inuu ka qeyb qaatay isku-day lagu khaarajin lahaa Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Den.
Sikastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa ka hor istaagey laamaha amaanka in ay cadaalada horgeeyaan Laahoor si loogu fuliyo xukunkii maxkamadu horey ugu ridey, taasoo abuurtey tuhun la xiriira sababta arrintan ka dambeysa. Ilo-wareedyada qaar ayaa rumeysan in Laahoor uu hayo xog xasaasi ah oo kusaabsan xiriirka u dhaxeeya madaxda dowladda Puntland iyo kooxaha argagixisada.
Laahoor ayaa si xor ugu nool gudaha magaalada Boosaso, gaar ahaan hoyga madaxwaynaha Puntland ka degan yahay xerada ciidamada PMF.
3-dii Febraayo 2025 ayuu Lahoor isku soo dhiibay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degmada Qandala ee gobolka Bari, kaddib markii kooxdii uu ka tirsanaa ee Daacish lagu jebiyey dagaalka ay kula jiraan ciidamada difaaca Puntland.
Bishii Juun 2022, maxkamadda dambiyada culus ee Puntland ayaa Lahoor ku xukuntay dil toogasho, isagoo maqane ah, kaddib markii lagu helay inuu madax u ahaa shabakad katirsaneyd argagixisada Daacish oo magaalada Boosaaso, ka fulisay dilal qorsheysan oo lagu beegsaday masuuliyiin badan oo reer Puntland ah, oo uu kamid yahay Suldaan Bashiir Muuse Koonte.
Allaha u naxariistee Suldaan Bashiir wuxuu ku dhashay degmada Ufeyn ee gobolka Bari sanadkii 1966. Wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku qaatay iskuulka Ufeyn, halka dugsiga sare uu ka dhameystay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Intii u dhaxeysay 1992 ilaa 2005, wuxuu noqday ganacsade caan ah oo ganacsigiisu ku baahsan yahay guud ahaan Puntland.
Sanadkii 2006, Suldaanka waxaa loo doortay Isinka beesha Cumar Cali Saleebaan, isagoo kaalin mug leh ka qaatay xallinta khilaafaadka iyo horumarinta deegaankiisa.