Masar oo FIFA ka dalbatay in tallaabo laga qaado garsoorihii kulankii Argentina

Share this Post

Qaahira – Puntland Online – Xiriirka Kubadda Cagta Masar (EFA) ayaa dacwad rasmi ah u gudbiyay FIFA, isagoo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo garsooreyaashii maamulay ciyaartii ay Argentina 3–2 kaga adkaatay Masar ee wareegga 16-ka Koobka Adduunka.

Masar ayaa ku eedeysay garsoorka inuu sameeyay go’aanno qaldan oo saameyn weyn ku yeeshay natiijada kulanka, waxayna sheegtay in qaladaadka dhacay ay ka hor istaageen xulka dalkaas inuu u gudbo wareegga xiga ee siddeedda.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta Masar ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha xiriirka, Hany Abou Rida, uu FIFA ka codsaday baaritaan lagu sameeyo garsooraha reer France, François Letexier, iyo dhammaan xubnihii kale ee kooxda garsoorka, oo ay ku jiraan masuuliyiintii VAR.

Masar waxay si gaar ah u tilmaantay laba dhacdo oo ay ku dooday inay saameeyeen ciyaarta. Midda koowaad waxay ahayd gool laga diiday xulka Masar kaddib markii VAR dib u eegis sameysay, halka tan labaadna ay ahayd xaalad ay Masar rumeysan tahay in ay ugu qalantey in la siiyo rigoore, balse garsoorku uusan wax tallaabo ah ka qaadin.

Xiriirka ayaa sheegay in muuqaallo muhiim ah aan si buuxda dib loogu eegin, taasoo ay ku tilmaameen qaladaad garsoor oo dhaawacay fursaddii xulkooda.

Masar waxay FIFA ka codsatay in baaritaanka kadib la qaado tallaabooyin ku habboon haddii la xaqiijiyo in khaladaadka garsoorku ay si toos ah u saameeyeen natiijada kulanka.

Tababaraha xulka Masar, Hossam Hassan, ayaa isna si adag u dhaliilay qaabkii loo maamulay ciyaarta. Wuxuu sheegay in kooxdiisu aysan helin garsoor caddaalad ah, isla markaana go’aannadii lagu murmay ay niyad jab weyn ku noqdeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

Ilaa iyo hadda, FIFA kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah oo ku saabsan cabashada uu gudbiyay Xiriirka Kubadda Cagta Masar.


Share this Post