Ra’iisul Wasaare Xamse: Dowladda waxay Puntland ka qori doontaa 30,000 askari, shacabka Boosaasana door weyn ayay ku lahaayeen dib u dhiska dowladnimada
Muqdisho – Puntland Online – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalku qorsheynayso inay Puntland ka qorto kumannaan askari oo qeyb ka noqon doona ciidamada qaranka, isagoo xusay in qorshahaasi uu si rasmi ah u hirgeli doono.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay qosheyneyso qorista illaa 30,000 askari oo laga soo xulayo deegaannada Puntland, isaga oo caddeeyay in maamulka uu hoggaamiyo uu ka go’an yahay fulinta qorshahaas.
Isagoo ka jawaabayay hadallo ka soo baxay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu Xamse sheegay in dowladda federaalka ay leedahay awoodda iyo mas’uuliyadda dhismaha ciidamada qaranka, isla markaana aysan ka laaban doonin qorshaha qorista ciidamada.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyay shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada ku nool Boosaaso, doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka.
Wuxuu sheegay in dad badan oo ka soo jeeda Puntland ay naf iyo maalba u hureen sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa, isagoo xusay in dadaalladaas ay saldhig u noqdeen dowladnimada maanta ka jirta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in halgankii iyo taageeradii ay bixiyeen shacabka Puntland ay qayb muhiim ah ka ahayd geeddi-socodkii dib loogu dhisay hay’adaha dowladda, isagoo ku tilmaamay kaalintooda mid taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka gashay.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhismaha ciidamada, wax-ka-beddelka dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka.

