Laahoor Oo Geeriyoodey: Maxey tahay Sirta Ka Dambeysa Geeridiisa?
Boosaaso – Warar ay heshay Puntland Online ayaa xaqiijinaya in meydka Abdirahmaan Faarah Shirwac Laahoor, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, dhowaanna iskusoo dhiibey ciidamada difaaca Puntland, laga helay qolkii uu kaga noolaa xerada ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso.
3-dii Febraayo 2025 ayaa Laahoor isku soo dhiibay ciidamada difaaca Puntland ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad, kadib markii kooxdii uu ka tirsanaa ee Daacish lagu jebiyey dagaalka ka socda buuraleyda gobolka Bari, si kastaba ha ahaatee Lahoor ayaan la horgeyn maxkamadda si loogu fuliyo xukunkii dilka ahaa ee horey maxakamadu ugu riday, kadib markii madaxwaynaha Puntland uu ka hor istaagey laamaha amaanka iney cadaalada horgeeyaan.
Laahoor ayaa la rumeysan yahay in uu xiriir dhow la lahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay cadeyeen in Laahoor uu si caadi ah ugu noola xerada ciidamada PMPF, isla markaana uu marar badan la caweyn jiray Madaxweynaha Puntland, xilli uu ahaa eedeysane horey loogu xukumay dil toogasho bishii Juun 2022.
Sida ay Puntland Online ogaatey Lahoor ayaa dhowaan si rasmi ah u qirtay in uu ka dambeeyay dilal kala duwan oo kooxda argagixisada Daacish ka fulisey gudaha magaalada Bosaaso ee gobolka Bari. Gaar ahaan, dilkii loo geystey Suldaan Bashir Muuse Koonte. Suldaanka ayaa 8-dii Maarso 2019 lagu diley magaalada Bosaso xilli uu salaad ku tukanayey gudaha Masjid Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-Hawada.
Xogaha hadda la helayo waxay tilmaamayaan in Laahoor uu hayay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan xiriirka u dhaxeeya madaxda sare ee dawlada Puntland iyo kooxaha argagixisada ee ka hawlgala buuraleyda gobolka Bari, taas oo la rumeysan yahay in ay tahay sababta aan cadaalada loo horgeyn