Farmaajo oo ka hadlay wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo xisbiga Nabad iyo Nolol
Muqdisho – Puntland Online – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay wada-hadallo dhex maray wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xisbiga Nabad iyo Nolol, kuwaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku qabsoomay jawi is-faham leh, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la sii ambaqaado wada-xaajoodyada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee mustaqbalka dalka.
Farmaajo ayaa tilmaamay in wada-hadallada socda ay muhiim u yihiin xoojinta is-afgaradka siyaasadeed, islamarkaana ay horseedi karaan jawi lagu xaqiijin karo xasillooni, amni iyo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshe lagu dhisayo wadatashi siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan, si loo gaaro heshiis ku saabsan doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.
Dhanka kale, xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay door ka qaadaneyso fududeynta wada-hadallada u socda dhinacyada Soomaaliyeed, iyadoo la rajeynayo in kulamadaasi ay sii socdaan maalmaha soo socda.

