Xasan Sheekh oo Deni ku eedeeyay inuu hakiyay wada-shaqeyntii dowladda iyo Puntland
Muqdisho – Puntland Online – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, isagoo ku eedeeyay maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, inuu hakiyay wada-shaqeyntii labada dhinac isla markaana uu caqabad ku noqday hirgelinta adeegyo ay dowladda dhexe sheegtay inay ugu talagashay shacabka Puntland.
Khudbad uu ka jeediyay munaasabaddii xiritaanka toddobaadka xorriyadda ee 1-da Luulyo, ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay in khilaafka siyaasadeed uusan ku koobnayn arrimaha maamulka oo keliya, balse uu saameeyay adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay diidday qorshe ay dowladda federaalku ku doonaysay in lagu shaqaaleysiiyo ku dhowaad 800 macallin oo loo qorsheeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ee deegaannada Puntland. Sida uu sheegay, qorshahaasi waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa tababar loo diyaarinayay macallimiinta si ay u hirgeliyaan manhajka waxbarashada ee qaranka.
“Waa qorshe laga hirgeliyay dowlad-goboleedyada kale, waxaana macallimiinta la qoray ay qaateen tababarradii loogu talagalay, halka mushaarkoodana ay bixiso dowladda federaalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo intaas ku daray in Puntland ay ka baaqsatay ka qeybgalka barnaamijkaas.
Madaxweynuhu wuxuu ku dooday in qof kasta oo siyaasadeeya arrimaha waxbarashada ama hor istaaga hirgelinta adeegyada bulshada uu dhaawacayo fursadaha ay helayaan jiilasha soo koraya, isla markaana uu dib u dhigayo horumarka dalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiriirka shaqo ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland uu gebi ahaanba hakad ku jiro. Wuxuu xusay in labada dhinac aysan hadda ka dhexeyn wada-shaqeyn rasmi ah, isagoo tilmaamay in dhammaan hay’adihii wada shaqeyn jiray la joojiyay.
Inkastoo uu sheegay in khilaafku jiro, ayuu Madaxweyne Xasan ku adkeeyay in dowladda federaalku aysan wax colaad ah u haynin shacabka Puntland, islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan u siman yihiin dowladda dhexe.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay eedeymo maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in dowladda federaalku faragelin ku hayso amniga Puntland. Wuxuu ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal lahayn oo looga gol leeyahay in lagu abuuro kala shaki siyaasadeed.
Isagoo ka hadlayay xaaladda shaqaalaha iyo ciidamada Puntland, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay inuu jiro walaac la xiriira dib u dhaca mushaharka qaar kamid ah ciidamada iyo shaqaalaha maamulka, isagoo xusay in cabashada xuquuqda shaqaalaha aan loo fasiran karin falal lagu qalqal gelinayo amniga.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hoggaanka Puntland iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka inay khilaafaadka ku xalliyaan wadahadal iyo dood siyaasadeed, halkii ay ka dooran lahaayeen is-faham la’aan iyo kala fogaansho. Wuxuu sheegay in dowladda federaalku diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu xoojinayo midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli xiriirka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Puntland uu weli yahay mid aan caadi ku soo laaban, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo qaabka awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada loo qaybsanayo

