Mareykanka iyo Iiraan oo gaaray heshiis is-afgarad ah oo ka kooban 14 qodob
WASHINGTON (Puntland Online) — Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa gaaray heshiis is-afgarad (MoU) oo hordhac ah, kaasi oo ka kooban 14 qodob oo loogu talagalay in lagu soo afjaro colaaddii ba’nayd ee bilihii la soo dhaafay ka socotay gobolka Bariga Dhexe.
Heshiiskan ayaa dhigaya in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan howlaha militari ee labada dhinac iyo xulafadooda gobolka. Sidoo kale, waxaa qodobada ku jira ka mid ah in si buuxda loo dhowro madax-bannaanida iyo amniga dalka Lubnaan, si looga fogaado ballaarashada dagaalka.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskan is-afgaradka ah waxaa kamid ah:
- Dib-u-furista marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz oo muhiim u ah isku-socodka ganacsiga iyo shidaalka caalamka.
- Yareynta xannibaadaha dhanka badda ee saarnaa dalka Iiraan, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsigeeda.
- Bilaabidda wada-hadallo xiriir ah oo socon doona muddo 60 maalmood ah, kuwaas oo loogu gogol-xaarayo in lagu gaaro heshiis rasmi ah oo waara.
- Mareykanka oo ballanqaaday taageero dhaqaale iyo qorshe dib-u-dhis oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka Iiraan.
- Tehran oo oggolaatay inay si buuxda ula shaqeyso hay’adaha caalamiga ah ee kormeerka arrimaha nukliyeerka (IAEA).
Khubara dhanka xiriirka caalamiga ah ayaa sheegaya in heshiiskani uu saameyn toos ah ku yeelan karo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee isticmaala Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas, taasi oo muhiim u ah amniga ganacsiga Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa weli loo arkaa mid ku-meel-gaar ah, iyadoo arrimaha ugu adag ee labada dhinac isku mari la’yihiin—sida mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iiraan, cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran iyo amniga guud ee gobolka—loo gudbiyay wada-xaajoodyada xiga ee dhici doona mudada 60-ka maalmood ah.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiisku aanu weli ahayn mid kama dambeys ah, isagoo ka digay in tillaabooyin militari dib loo qaadi karo haddii Iiraan ama xulafadeeda ay ku xadgudbaan qodobada lagu heshiiyay.

