Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyey Deegaanka Kuukaayle ee Gobolka Hiiraan
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa xalay fuliyey howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Kuukaayle ee hoostaga degmada Maxaas, gobolka Hiiraan. Howlgalka ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa kooxo Khawaarij ah oo halkaas ku abaabulayay dhaqdhaqaaqyo amni-darro ah.
Wararka laga helayo saraakiisha amniga ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad Khawaarij ah, halkaas oo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa kooxdaas. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu u adeegsanayeen isku-duwidda abaabulada dagaal.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu dhacay saddex mar oo xiriir ah. Wejigii koowaad, ciidamada waxay beegsadeen goob ay ku jireen xubno Khawaarij ah, waxaana halkaas lagu dilay saddex qof. Daqiiqado kadib, wejigii labaad ayaa lagu khaarajiyay afar dhagarqabe oo kale, halka wejigii saddexaad lagu gubay gaadiid dagaal iyo qalab militari oo ay Khawaarijtu diyaarinayeen.
Saraakiisha NISA ayaa sheegay in howlgalka lagu qaaday xog sirdoon oo hore loo xaqiijiyay, taas oo muujisay dhaqdhaqaaqyo ay Khawaarijtu ka wadeen deegaanka Kuukaayle. Xogtaas ayaa horseeday in si qorshaysan loo fuliyo weerar nadiifin ah oo lagu soo afjaray abaabulkii kooxdaas.
Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday guul buuxda, iyadoo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ay sheegtay inay ka go’an tahay in meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta lagu beegsado. NISA ayaa xustay inay sii wadi doonto howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.