Howlgalka Hilaac: Puntland oo Argagixisada Kala Wareegtay Dhul Ballaaran

Share this Post

24-ka Janaayo 2025, dagaal culus ayaa ka dhacay buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo kooxda argagixisada Daacish. Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay la wareegaan goobihii lagu dagaalamey gaar , ahaan degaanka Tuurmasaale, oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari, kaas oo muddo dheer xarun muhiim ah u ahaa kooxda Daacish.

Howlgalka Hilaac, oo si gaar ah loogu beegsadey saldhigyada iyo fariisimaha kooxda argagixisada ku leedahay buuraleyda gobolka Bari, ayaa ciidamadu ku guuleysteen iney bur buriyaan fariisimahii kooxda ee buuraha Calmiskaat gaar ahaan degaanka Tuurmasaale. 

Dagaalka maanta ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka ciidamada Puntland, inta la xiqiijiyey, labo askari ayaa geeriyoodey oo uu kamid yahay, Gurey Huruuse, oo ahaa taliyaha ururka Gaheyr ee ciidamada Daraawiishta Puntland kaas oo ku dhintey dagaal ay maanta ciidamadu kula waregeen degaanka Tuurmasaale. Sidoo kale, Jenaraal Xanaano, oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka Hilaac, ayaa ku dhaawacmay. Dhinaca kale Argagixisada ayay ciidamadu shegeen iney ka dileen 13 dagaalyahan.

Afhayeenka Howlgalka ciidamada, Maxamuud Faadhigo, ayaa ka hadlay dagaalka, wuxuuna yiri: “Dagaalkii maanta waxaan ku dilnay 13 argagixiso ah. Annaga dhankeena laba sarkaal ayaa midna ku shahiiday, midna dhaawac fudud soo gaaray. Haddii boqol naga dhimato iyo haddii kun naga dhintaanba, annagu dalkayaga oo lagu soo duulay ayaan xoraynaynaa, taas hala ogaado.”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaaz Cismaan Lugagoor, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay argagixisada ka xoreysay 60% goobihii ay ku sugnaayeen , tan iyo bilowgii dagaalka isagoo sheegay in dawladu la wareegtey dhul ballaaran oo ay horey u haysteen kooxaha argagixisada.

Intii dagaalku socdey, ciidamada Puntland waxay shegeen iney burburiyeen 67 talis oo ay ugu waaweynaayeen, Taliska Al-Barako, Taliska Digaale, Taliska Hadi-Dharin, Taliska Al-Dacwa (oo ahayd xarun maxkamadeed iyo mid tashkiilin), Taliska Diba-Qalooc, Taliska Ceel-Illeed, iyo kuwa kale oo badan.

Dhulka Lagu Dagaalamayo

Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare, oo hore u soo noqday taliyaha sirdoonka Puntland, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da (21 janaayo 2025) ku sheegay in dhulka lagu dagaalamayo uu yahay mid aad u adag. “Juquraafi ahaan, dhulka lagu dagaalamayo waa dhul buuraley ah, aad u khatar badan, gaadiidkuna ay yar tahay inta uu ka gali karo. Iyaguna muddo ayey ku sugnaayeen, waddooyin baneysteen, oo miino tiro badan geliyeenn,” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.


Share this Post