Firxadka Daacish Oo u Cararay Godad ku yaalla Baalade kadib Cadaadis Ciidan.

Share this Post

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo amni oo ku sugan Calmiskaad ayaa sheegaya in xubno sare oo ka tirsan ururka argagixisada Daacish, oo ay ku jiraan horjoogayaal waawayn, ay ka firxadeen deegaanka togga Miraale kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid ciidamada difaaca Puntland ee howlgalka kawada buuraleyda Calmiskaad. Xubnahan ayaa la rumeysan yahay inay u baxsadeen godad ku yaalla togga wayn ee Baalade gaar, ahaan Sadow iyo Curuun.

Hawlgalladaan socda ayaa qeyb ka ah wejiga saddexaad ee qorshaha ciribtirka argagixisada kusugan buuraha Calmiskaad, iyagoo ciidamada Puntland ay adeegsanayaan duqeymo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah si loo ciribtiro firxadka kooxda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xubno ajaanib ah oo ka tirsan Daacish ay ku hareen aagga Miraale, halkaas oo ay iskugu kala qeybiyeen kooxo-kooxo.

Dowladda Puntland ayaa horey u sheegtay in kooxda Daacish ay isku urursadeen deegaannada Miraale Baalade iyo ceelka Wangable, kuwaas oo leh ceelal biyoodyo iyo goobo difaac oo dabiici ah, taasoo ka dhigaysa meelaha ugu dambeysa ee ay kooxdaasi ku dhuumaaleysan karto.

Hawlgallada socda ayaa la filayaa inay si buuxda loogaga sifeeyo deegaannadaas, iyadoo la rajeynayo in kooxda Daacish laga saaro gabi ahaanba Puntland


Share this Post