Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegey dalka Masar

Share this Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Cabdel-Fataax Al-Sisi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo saraakiil sare ayaa Axaddii gaaray magaalada El Alamein ee ku taalla xeebaha waqooyi ee dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay yeelan doonaan wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Qodobada miiska saaran ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga, ganacsiga, waxbarashada, kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo xoojinta doorka ay labada dal ku leeyihiin xasilloonida gobolka.

Warbaahinta dibaddaba waxay soo warinayaan in labada Madaxweyne ay sidoo kale diiradda saari doonaan xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, marinka Badda Cas, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo fikirka xagjirka ah.

Booqashadan waxay daba socotaa heshiis difaac oo Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024. Heshiiskaas kaddib, bishii Sebteembar waxaa dekedda Muqdisho soo gaaray markab milatari oo Masar leedahay, kaas oo siday kaalmo milatari oo lagu tilmaamay “tii ugu weynayd tan iyo markii la qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.”

Dhinaca kale, tallaabooyinkan siyaasadeed, iyo milatari ee Masar waxaa walaac ka muujisay dowladda Itoobiya, oo dhowaan xariga ka jari doonta biyo-xireenka khilaafka wayn dhaliyey ee GERD.


Share this Post