Ciidamada Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka ka Dhanka ah Daacish
Puntland Online– Ciidamada dowladda Puntland ayaa sii wada guulaha is daba-jooggga ee ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah ururka argagixisada Daacish, iyagoo maalinimadi 24 febraayo si buuxda ula wareegay deegaanka Sheebab ee degmada Qandala, oo horey u ahaa xarun muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd maxkamado iyo talisyo ay dadka ku cabsi geliyaan.
Howlgalkan ayaa daba socda midkii 23-kii bishan ciidanku kula waregeen deegaanka Gaatir oodan, oo sidoo kale hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari. Wararka la helayo waxay sheegayaan in xubnaha Daacish ay hadda u kala firxadeen dhulka buuraleyda ah, iyagoo isku urursanaya degaanka Dhassaan, oo qiyaastii 15km u jira degaanka Shebaab.
Intii uu socday howlgalka ciidanku kula waregeen Shebaab, ciidamada Puntland waxay degaanka Shebaab ka haleen xabaal wadareedyo la rumeysan yahay in ay lagu aasey xubno ka tirsan Daacish, oo horey loogu diley duqeyn uu Maraykanku ka faliyey deegaanka Sheebab. Sidoo kale, waxaa la gubay gaari ay kooxdu u adeegsaneysay walxaha qarxa.
Saraakiisha hoggaaminaya howlgalkan ayaa xaqiijiyey in dagaalka lagula jiro Daacish uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro khatarta ay ku hayaan amniga iyo nabadda puntland iyo guud ahaan Somalia.