Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo Mar Kale Ku Dagaalamaya Beledxaawo
Beled-Xaawo, Saaka subaxnimadii hore waxaa dagaal xooggan ka qarxay deegaanka Tuulo Aamin oo hoostaga magaalada Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo. Dagaalka saaka ka qarxay Tuulo Aamin ayaa dhacay kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidanka maamulka Jubbaland oo fariisin ku lahaa deegaankaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo laga maqlayay rasaasta iyo qaraxyoda hubka gudaha Beled-xaawo.
Qoysas badan oo ku noolaa deegaanka Tuulo Aamin ayaa bilaabay barakac, iyagoo ka cabsi qaba in colaadda ay ku faafto tuulooyinka iyo deegaanada ku dhow Tuulo Aamin.
Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka saaka ka qarxey duleedka Beled-Xaawo,uu sababay dhimashada ku dhowaad 10 qof, oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo lagu magacaabo Xuseen Giif kaas oo hore uga tirsanaa booliska gobolka Gedo, balse dhawaan xilka laga qaaday. Sidoo kale, sarkaalkii lagu bedelay oo lagu magacaabo Aadan Dhafoorey ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaalka.
Dagaalkaa ayaa bilowday kadib markii dhinaca Jubbaland ay jareen tubooyinkii biyaha keenayay magaalada Beled-Xaawo, taas oo keentay in weerar lagu qaado ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa deegaanka Tuulo Aamin, oo ku dhowaad 5km u jira magaalada.
Dhinaca kale Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo Cabdirishiid Janan ayaa la sheegay in ay la waregeen gooobihii lagu dagaalamey. Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, midkoodna weli kama hadlin dagaalka ka dhacey Beled-xaawo iyo khasaaraha ka dhashay.