Madaxweyne Deni oo Boosaso ku qaabilay Wefdi ka socday Taliska AFRICOM

Share this Post

Boosaaso – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wefdi heer sare ah oo ka socday Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), oo uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika, Colonel Ed Norris.

Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay hawlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay taageerada hawlgallada cirka ee lagula dagaallamayo argagixisada, isagoo xusay guulaha ay gaareen ciidamada Puntland.

Dhankiisa, Colonel Norris ayaa bogaadiyay dadaallada Puntland ay ku xaqiijineyso amniga, wuxuuna muujiyay in AFRICOM ay sii wadi doonto taageerada iyo wadashaqeynta amni ee laleedahay Puntland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxey madaxtooyada Puntland, kulanka ayaa kusoo gebogeboobay isfaham iyo ballanqaad ku aadan sii xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka


Share this Post