Dowladda Federaalka oo faahfaahin ka bixisay wada-hadal ay la yeelatay xubno ka socday mucaaradka

Share this Post

Muqdisho – Puntland Online – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiillo ka socday dowladda iyo xubno matalayay mucaaradka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro arrimaha siyaasadda dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu dhacay 7-dii Luulyo 2026, isla markaana uu ku qabsoomay jawi ay labada dhinac si furan ugu wadaageen aragtidooda.

Sida lagu sheegay qoraalka, wada-hadalku wuxuu diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa is-faham siyaasadeed oo horseeda xasillooni, amni iyo horumar waara, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in kulamada noocan oo kale ah la sii ambaqaado.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhinacyadu ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadista wada-hadallada loo dhan yahay, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu mideysan yahay.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in Dowladda Turkiga ay door muuqda ka qaadatay fududeynta wada-hadallada, iyadoo labada dhinac ay uga mahadceliyeen dadaallada Ankara ay ku bixisay isu soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.


Share this Post