Mogadishu: Roobab Mahiigaan ah oo Sababay Khasaaro Nafeed iyo mid Hantiyeed

Share this Post

Muqdisho,  Ugu yaraan toban qof oo ay ku jiraan laba haween ah iyo labo carruur ah ayaa ku geeriyooday roobab mahiigaan ah oo si xooggan uga da’ay magaalada Muqdisho habeenkii Jimcaha, kuwaas oo sababay daadad culus oo burburiyey guryo badan, xiray waddooyin muhiim ah, isla markaana barakiciyey boqolaal qoys.

Roobabka oo socday ilaa waaberigii Sabtida ayaa cabikiisu uu gaaray in ka badan 115 millimitir muddo sideed saacadood ah, waxaana ay keeneen in xaafado badan go’doon galaan oo ay dad badan ku xayirmaan guryahooda. Gaadiidka dadweynaha ayaa istaagay, halka waddooyinka muhiimka ah ay noqdeen kuwo aan la mari karin.

Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu eedeynayo inuu ka gaa’biyey doorkiisi, ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo degdeg ah oo ay ku wajahaan saameynta roobabka. Guddoomiyaha Gobolka, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ku tilmaamay roobkan mid aan caadi ahayn, isagoo xusay in la hawlgeliyay matoorro iyo booyado biyo dhaamiya si loo yareeyo biyaha buux dhaafiyey magaalada.

Waxa uu sheegay gudooniyuhu in lix waddo oo waaweyn ay si toos ah u burbureen, taas oo khalkhal ku keentay isu socodka magaalada. Roobabka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, inkastooduulimaadyadii ay dib u bilaabeen saacado kadib

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) ayaa sheegtey in ay bilowdey qiimeyn ku saabsan baaxadda khasaaraha, sidookale wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa sheegtay in nidaamka biyo mareen ee magaalada uu aad u liito, taasoo sii kordhisay halista fatahaadaha. Waxey sheegeen in dhismayaayaasha aan nidaamsaneyn ee magaalada kusii fidaya ay sabab u yihiin in biyuhu fariistaan meel walba, taasoo halis u ah dadka iyo hantidooda.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe la daalaa-dhacayey saameynta isbedelka cimilada. Sanadkii hore, roobab daadad wata oo ay sababeeen dufaanihii El Niño ayaa dilay in ka badan 100 qof, halka ay barakiciyeen dad ka badan hal milyan. Warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay ayaa muujisay in 45,000 qof oo Soomaali ah ay durba saameeyeen daadadkii ugu dambeeyay ee bilowday bartamihii bishii hore ee April.

Inkastoo dawlada iyo maamulka gobolka ay shegeen in sameyeen dadaallo gurmad oo degdeg ah, haddana waxaa jira cabashooyin ka imaanaya dadweynaha oo muujinaya in dowladda iyo maamulka gobolka Banadir aysan wax muuqda ka qaban baahiyaha dhabta ah ee magaalada.

Qaar ka mid ah bulshada ayaa ku eedeeyay maamulka in ay ka gaabiyeen qorshe looga hortago xaaladaha noocan oo kale ah, waxayna dalbadeen in si dhab ah looga shaqeeyo dhismaha biyo mareennada iyo tayeynya wadooyinka magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka si wax looga qabto xaaladda adag. Waxa uu xusay in warbixin rasmi ah oo dhameystiran laga soo saari doono khasaaraha iyo baahiyaha jira si loo helo qorshe cad oo wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay roobabka mahiigaan ah.


Share this Post