Mareykanka oo Joojiyay Isticmaalka Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Share this Post

Muqdisho – Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa sheegtay in madaafiicda loo yaqaan Hoobiyaha lagu garaacey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho 27-kii Febraayo 2025. Weerarkan ayaa sababay in dowladda Mareykanka ay si rasmi ah uga joojiso shaqaalaheeda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho isticmaalka garoonka ilaa amar dambe.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka looga digayo qatarta sii kordheysa ee ka jirta Soomaaliya. Dowladda Mareykanka waxay u sheegtey muwaadiniinteeda in heerka digniinta socdaalka Soomaaliya uu weli yahay heerka ugu sareeya, sababo la xiriira amni darrada, argagixisada, afduubka, burcad-badeedda, iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan weerarro ka dhan ah xarumaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha, dekeda, baraha kontoroolka, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan. Waxa kale oo ay xustay in weerarradu u dhici karaan si lama filaan ah, iyagoo lala beegsan karo kolonyo ciidan, shaqaalaha dowladda, iyo ajaaniibta joogta Soomaaliya.

Sida lagu xusey bayaanka Mareynkanka noocyada weerarrada la filan karo waxaa ka mid ah qaraxyada baabuurta lagu xiro, weerarrada ismiidaaminta, toogasho, iyo madaafiic lagu weeraro goobaha muhiimka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ku laheyn Somaaliya safaarad si toos ah uga shaqeysa, taasoo xaddidaysa awoodda ay u leedahay in ay si degdeg ah u caawiso muwaadiniinteeda ku sugan dalka. Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa ah tan ugu dhow ee muwaadiniinta Mareykanka ay la xiriiri karaan marka xaalad degdegga ah ku qabsato gudaha Somaaliya.

Bayaanka Mareykanka ayaa mar kale muujinaya qatarta amni ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay marar badan ka dhaceen weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumo kala duwan


Share this Post