Maamulka Trump Oo doonaya In Dhalashada Mareykanka Lagala Noqdo Ilhan Omar

Share this Post

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa baaritaan ku haya xildhibaanadda Dimuqraadiga ah ee Ilhan Omar, kaas oo sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal lagu doonayo in lagala noqdo dhalashadeeda Maraykanka, kadibna laga masaafuriyo gebi ahaanba dalka Mareykanka.

Warbixintu waxay sheegtay in baarayaashu ay dib u eegayaan taariikhda socdaalka Ilhan Omar, qaabkii ay ku heshay dhalashada Maraykanka iyo diiwaannada qoyskeeda. Ilhan Omar ayaa dalka Maraykanka gashey sannadkii 1995-kii, iyadoo qoyskeedu ka soo baxay xero qaxooti oo ku taallay Kenya.

Baaritaankan ayaa sii xoogaystay kadib markii saraakiil federaal ahi Isniintii baareen guriga xildhibaanadda ee magaalada Washington, DC. Sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen wargeyska, saraakiishu waxay la baxeen telefoonkeeda, kombiyuutarro, buugaag xasuus qor ah iyo baasaboorkeedi.

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa sheegtay in hawlgalku qayb ka yahay baaritaan dembiyeed oo heer federaal ah kaas oo wali socda. Dhanka kale, baarayaashu waxay amarro u yeeris ah u direen in ka badan 12 qof, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ehelada Ilhan Omar, si wax looga waydiiyo xogta Ilhaan Markhaatina uga noqdaan baaritaanka.

Ilhan Omar ayaa tallaabada ku tilmaantay isku day lagu cabsi-gelinayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda maamulka Trump. Qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay X Twitter ayay ku sheegtay in hay’adaha federaalka loo adeegsanayo bartilmaameedsiga mucaaradka, iyadoo ku adkaysatay inaysan ka aamusi doonin.

Baaritaankan ayaa soo baxay iyadoo ay wax yar ka harsan yihiin doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka, kuwaas oo Ilhaan Omar ay mar kale ugu tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada.

Ilaa hadda, ma jiro go’aan maxkamadeed oo la shaaciyey kaas oo xaqiijinaya eedeymaha ka dhan ka ah Ilhaan Omar ama go’aan lagaga noqonayo dhalashadeeda Maraykanka.
Xigasho: The Wall Street Journal


Share this Post