Dowladda Soomaaliya oo Diiday Aqoonsiga ay Puntland Sameysaneyso
Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay tallaabada uu qaaday maamulka Puntland ee ku saabsan sameynta aqoonsi gaar ah, iyadoo dowladda dhexe ku tilmaantay arrintan mid baalmarsan qaanuunka dalka iyo hannaanka dowladnimada Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Aqoonsiga Qaranka uu yahay xuquuq ay si siman u wada leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamarkaana aan loo adeegsan karin siyaasadeyn ama dano gaar ah. Waxaa sidoo kale la xusay in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarka dalka, amniga qaranka, iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa si cad loogu sheegay in tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Puntland aysan lahayn sal sharci ah, sidoo kalena aysan ka tarjumeyn mas’uuliyad Qaran. Waxa lagu adkeeyey in ficil kasta oo lagu carqaladeynayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid si toos ah ugu xadgudbaya sharciga iyo mabaadi’da dowladnimada.
Warsaxaafadeedkan ayaa yimid, kadib markii maamulka Puntland uu si cad u diiday nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee ay dawladda Federaalka hirgelinayso, isagoo ku dhawaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee ((PID), oo qaabilsan sameynta aqoonsi u gaar ah shacabka Puntland kaas oo ka madax banaan dawlada Fedraalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday madaxda Puntland in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, halkii ay abuuri lahaayeen hannaan cusub oo kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay mar kale xustay in Aqoonsiga Qaranka uu yahay himilo Qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya dowladnimada dalka