Dawlada Somalia oo Si Toos ah ula Shaqeyneysa SSC-Khaatumo.

Share this Post

(Puntland Online) Muqdisho – Dawlada Fedraalka Soomaaliya ayaa qaadey tallaabo cusub, kadib markii ay amar duldhigtey hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan kuwa fuliya mashaariicda horumarineed, haayadaha ayaa dawladu ku amartey in ay si toos ah ula shaqeeyaan maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkii ay u mari lahaayeen maamulada Puntland ama Somaliland.

Amarkan oo si gaar ah ugu socda Bangiga Adduunka (World Bank) iyo hay’ado kale, ayaa dhigaya in mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaannada SSC-Khaatumo aan loo marin karin maamulada Puntland ama Somaliland, balse ay si toos ah ula xiriiraan maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale go’aankan waxaa uu barbar socday tallaabo kale oo Baarlamaanka Federaalka uu qaaday, kadib markii SSC-Khaatumo si rasmi ah loogu daray sharciga doorashooyinka qaranka. Tani waxay la micno tahay in deegaanada SSC ay si buuxda uga mid noqonayaan hanaanka doorashooyinka dalka, isla markaana ay heli doonaan matalaad siyaasadeed oo la mid ah tan Gobolka Banaadir.

Sharciyadan cusub ayaa si cad u qeexaya in SSC-Khaatumo ay yeelan doonto awood sharciyeed oo ay kaga qayb qaadan karto doorashooyinka heer federaal, iyada oo aan loo baahnayn in ay hoos tagto Puntland ama Somaliland. Sida ay wararku sheegayaan dawlada Fedraalka Soomaaliya ayaa dooneysa in degaanadada SSC ay ka qabato doorashooyinka lagu muran san yahay ee qof iyo cod.

Tallaabadan ay qaaday dowladda federaalka ayaa la aaminsan yahay in aysan u wanaagsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo horey saameyn siyaasadeed ugu lahaa SSC-Khaatumo, iyadoo tallaabadani ay muunijeyso in dawlada Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatey doorka SSC-Khaatumo ee maamulida degaanadooda.

Puntland, oo horey u maamuli jirtay xulista xildhibaanada SSC-Khaatumo uga mid noqon jiray Baarlamaanka Federaalka, ayaa hadda lumin doonta awoodaas. Arrintan ayaa sida la rumeysan yahay si toos ah u wiiqeysa saameynta Puntland ee heer federaal.

Dhanka kale Somaliland, oo sheegata gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxay go’aankan u aragtaa mid sharciyeynaya jiritaanka SSC-Khaatumo, taasoo caqabad ku noqon karta sheegashadeeda gobolladaas.

Ugu danbeyntii, tallaabada dowladda federaalka ayaa loo arkaa mid wax weyn ka beddeli doonta xaaladda siyaasadeed ee SSC-Khaatumo. Waxaa la filayaa in SSC ay si rasmi ah u yeelan doonto matalaad siyaasadeed oo ka madax-bannaan Puntland iyo Somaliland.


Share this Post